sheekh khaliilHargeysa(Araweelo News Network) Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sheekh Khaliil C/llaahi Axmed ayaa sheegay  in aanay  Caawa Ramadaan ahayn maadaama aan la arag bishii.

 

 

Sheekh Khaliil waxa uu sidaa ka sheegay mar uu  Caawa u waramayay Idaacadda Radio Hargaysa,  isagoo sheegay inaan la arag curashadda bisha Ramadaan,  isla markaana aan laga soo sheegin dalalka aynu isku Madlaca nahay, Sidaa darteed la dhamaystirayo Sodonka Bisha Shacbaan oo beri ku buuxsamaya.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland waxa uu sheegay  in Maalinta Arbacada ay Ramadaan Kow Tahay.  Sidaa awgeed Wasiirku waxa uu ugu baaqay Guud ahaan Shacabka Somaliland inay ka faa’iidaystaan bisha ramadaan isla markaana ay Khayr iyo Acmaal Wanaagsan la Yimaadaan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *