bre1Muqdisho(Araweelo News Network) Koox dablay ah oo aan la aqoonsan  ayaa caawa toogasho ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Sirdoonka Somalia ee wada shaqaynta la leh sirdoonka

 

wadamada reer galbeedka ee ka hawlgala Somalia.

 

Sida ay sheegayaan warar hordhac ah Sarkaalkaa oo magaciisa lagu sheegay C/raxmaan Caatto, waxa koox hubaysani ku toogteen isgoyska Banaadir ee Degmada Wada-jir, kuwaas kadibna ka baxsaday goobta.

Sarkaalka oo dhaawac ah ayaa loola cararay Cusbitaalka, balse wuxuu ku geeriyooday jidka ka hor intii aan la gaadhsiin Cusbitaalka.

Dilkaa ayaa kusoo beegmay, iyadoo mudooyinkii u danbeeyay dilalka qorshaysan maalinta cad ka dhacaan magaalada Muqdishoi, kuwaas oo inta badan lagu ugaadhsado saraakiisha iyo madaxda dawlada. Waxaana saaka subaxnimadii koox dablay ahi ku dileen Isgoyska Fagax sarkaal ka tirsanaa ciiidanka dawlada oo aan magaciisa la shaacin, iyadoo dhinaca kalena ay ciidanka amaanka ee dawlada Somalia ku dileen isla agagaarka goobtaa Nin lagu tilmaamay inuu ka tirsan kooxda ugaadhsata  dadka ee fuliya dilalka qorshay oo ka tirsanaa Al-shabaab.

 

Dhinaca kale Koox dablay ayaa  caawa cawayskii waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dilay Wariye Liibaan Cabdullahi Faarax (Liibaan Qaran) , kas oo  ka hawlgeli jiray Idaacad xarunteedu tahay Boosaaso.

Weerarka lagu khaarajiyay Weriyaha waxay wararka qaar sheegayaan inay fuliyeen koox hubaysan, kuwaas oo baxsaday kadib markii ay falkaa fuliyeen.

Dilalka qorshaysan ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho iyo weliba Magaalada Gaalkacayo, kuwaas oo lagu ugaadhsanyo saraakiisha dawlada Somalia iyo suxufiyiinta, ama dadka ka hawlgala warbaahinta.

Hawlgalada dilalka qorshaysan oo kooxaha fuliyaa ay baxsadaan, ayaa lala xidhiidhiyaa inta badan kooxda Al-shabaab, kuwaas oo hawlgalo qorshaysan ka fuliya Magaalada Muqdisho, xiliyada habeenkii iyo maalintiiba.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *