Garoowe(Araweelo News Network) Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ee Somalia C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole), ayaa sheegay in dawlada Somalia ee Xasan Sheekh Maxamuud gudan weyday

waajibkeedii, isla markaana kasoo bixi weyday wixii loo igmaday.

 

C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa waxa uu sidaa ka sheegay mar uu hadal ka jeediyay munaasibad shalay lagu qabtay Magaalada Garoowe, wuxuuna xusay in nidaamka  Dowladnimo aanay jirin cid gaar u sheegan kartaa, isla markaana looga baahan yahay dawlada inay raacdo nidaamka Dastuurka Federaalka.

Mr. Faroole, waxa uu ku hanjabay haddii dawlada Somalia ee Federaalku wax hagaajinweydo  ay sameyn doonaan kacdoon la mid ah kii ka dhacay dalka Masar ee xilka lagaga qaaday Madaxweynihii Masar ee Mursi.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland, wuxuu dawlada usoo jeediyay inay faraha kala baxdo arrimaha Jubooyinka iyo dagaal uu sheegay in lagu hayo Axmed Madoobe.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *