Hargeysa(Araweelo News Network) Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sheekh Khaliil C/llaahi Axmed ayaa sheegay in aanay Caawa Ramadaan ahayn maadaama aan la arag bishii.
Sheekh Khaliil waxa uu sidaa ka sheegay mar uu Caawa u waramayay Idaacadda Radio Hargaysa, isagoo sheegay inaan la arag curashadda bisha Ramadaan, isla markaana aan laga soo sheegin dalalka aynu isku Madlaca nahay, Sidaa darteed la dhamaystirayo Sodonka Bisha Shacbaan oo beri ku buuxsamaya.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland waxa uu sheegay in Maalinta Arbacada ay Ramadaan Kow Tahay. Sidaa awgeed Wasiirku waxa uu ugu baaqay Guud ahaan Shacabka Somaliland inay ka faa’iidaystaan bisha ramadaan isla markaana ay Khayr iyo Acmaal Wanaagsan la Yimaadaan.