Hargeysa(ANN)Horjoogaha maamulka Budhcad-badeeda ee xaruntiisu tahay Garoowe  C/rixmaan Maxamed Faroole  ayaa ku baaqay in soomaalida dhexdooda laga sameeyo, wuxuu ugu yeedhay dib u heshiisiin qaran oo ay ku midoobaan dhexdooda. Wuxuuna sidaa ka sheegay

 

mar uu maanta Waraysi siiyay Idaacada  BBC-da laanteeda Afka Soomaliga.

“Soomaalidu waxa ay u baahantahay inay ka heshiiso dhibaatooyinkii laga soo maray bur-burka “ayuu yidhi, isagoo Mr. Faroole ku sugan dalka Talyaaniga.
wuxuuna dawladda ku meel gaadhka taagta daran  ee  Somalia  ku eedeeyay inay ku fashilantay sidii laysugu keeni lahaa dadka soomaalida, wuxuuna tusaale usoo qaatay  heshiiyo kooxdiisa maamul goboleedka uu madaxda u yahay ee budhcad-badeeda Puntland ee  xaruntiisu tahay Garoowe uu  la galay oo dhinaca dowlada taagta daran ka fuli waayay.

“Madaxda dowlada dhowr jeer ayaan u sheegnay inay nala hadlaan, balse waxaa muuqata in laga meer-meerayo “ayuu yidhi Faroole. Sidoo kale wuxuu ku  eedeeyay mudadii  ay dhawaan Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya korodhsadeen, taas  oo uu  ku tilmaamay mid dhibaato hor leh horseedi karta dhibaato oo aan loo baahnayn.

Mar la  waydiiyay inuu  maamulkiisa xidhiidh nabadeed la leeyahay maamulada ay dariska yihiin, waxa uu  sheegay inay jiraan heshiisyo uu la galay Gal-Mudug iyo kooxda wadaada Ahlu-Suna ee gobolada dhexe.

Laakiin isagoo ka hadlaya dhinaca Somaliland, waxa uu ka  dhawaajiyay inay  Somaliland dhowr jeer baaq nabadeed u direen si ay uga  baxaan degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, wuxuuna ku dooday inay Somaliland ka qaybgasho shirarka dib u heshiisiinta ee Soomaalida.

“Waxaa loo baahnaa in qaybta ugu muhiimsan ee dib u heshiisiinta wax nalaga waydiiyo maadaama aan daganahay gobol nabad ah oo ay dad badan ku soo barakacaeen “ayuu yidhi, isagoo ka hadlayay hindisaha qaar ka mid beesha caalamka ee dhowaan ku baaqay in mar kale Soomaalida loo qabto shir dib u heshiin ah.
Haseyeeshee Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta ka hadlayay munaasibad uu xadhiga kaga  jaray biriishka labaad ee Hargeysa ayaa ku tilmaamay wax lala yaabo hadalka dhawaaqa maamulka Faroole, isagoo yidhi, “1991-kii markii shirkii Burco la isugu yimid beelaha iyo deeganada  reer Somailland oo dhami way isku yimaadeen, madaxdooda iyo salaadiintooda ayaa isku timid, garaadadii ayaa joogay, odayaashii iyo waxgaradkoodii ayaa joogay, wuxuu ahaa wax la wadda qaatay oo la isla qaatay oo la wadda saxeexday ayuu ahaa.” Madaxweyne Axmed Siilaanyo isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa ku xigay in afti laga qaaday dadka reer Somaliland oo Somaliland ay goosatay inay madax-banaanideeda la soo noqotay, markaa waxaanu leenahay walaalayaal anagu maanta cidna marti ugama nihin cidna kala qayb-gali mayno, gorgortana ka gali-mayno madax-banaanida Somaliland, waxaanuse jecelahay oo aanu soo dhaweynaynaa in aanu jaarnimo, walaalnimo iyo aanu ku wadda shaqayno wixii danaha mandaqada ah ee xasilooni darada ku abuuraya oo aanu meel uga soo wada jeedsano. Dadka aanu walaalaha nahay ee dalkayaga gudihiisa ah anaga ayaa mar walba u fidinayna gacan walaalnimo, gacan wadda jir iyo gacan wada hadal wixii wax naga tirsanaya, diyaarna waanu u nahay, hore waanu u fidinay maantana waanu soo dhaweynaynaa gobolka ay doonto ha noqotee, arimahayagana anaga xalinayna oo meel wanaagsan iska taageyna.”
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu yidhi,“Waxaan dhageysanayay Madaxwaynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo ka hadlayey dalka Talyaaniga oo soo jeedinayay Somaliland inay ka qayb-gasho shirarka ka dhacaya Soomaliya, oo ka hadlayey Kalshaale arimo khuseeya Somaliland, waxaanu leenahay oo aan ku celinayaa anaga oo in badan oo hore nidhi mar walba anaga oo jecel haddii aanu reer Somaliland nahay inaanu nabadgalyo, saaxiibtinimo, ixtiraam iyo isqadarin aynu goboladda aynu jaarka nahay ee walaalaheen dalkaa Soomaliya ah inaynu nabad ku wadda noolaano, dadkeenu isku socdo, baayac-mushtarkeenu isku xidhnaado anaga oo diyaar u ah inaanan mar-naba diyaar u ahayn in aanu Madaxbanaanideeda Somaliland iyo gooni isku taageeda oo umadda Somaliland goosatay in mar-naba laga noqdo oo aanu cid marti uga ahaano ama gorgortan kala galno aanaan diyaar u ahayn.” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail- info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *