Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa maanta xabsiga Hargeysa ka sii daysay shan nin oo lagu eedaynayay inay maleegayaan falal Argagixisnimo kuwaas oo laga soo qabtay magaaladda Burco horaantii January 2011. Kooxdaa oo ka koobnayd  Shan Nin, waxa
sii deyntooda xaqiijiyay Taliyaha Booliska Somaliland Ge. Cilmi Rooble Fure oo maanta u waramayay Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaalida, wuxuuna xusay in laba ka mid ah kooxdaa loo masaafuriyay dhinaca magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka yimaadeen, halka sadexda kalena ay u dhasheen Somaliland.
Sii daynta kooxdaa ayuu Gen. Fure ku sheegay inay ka dhalatay. Kadib markii la horgeeyay Maxkamad ee ay waxba ku cadaan waayeen. Shantaa  qof ee lasii dayay ayaa magacyadoodu kala yihiin Siciid Yuusuf Faarax, Saleebaan Maxamud Xuseen, Xasan Maxamed Sh C/laahi, Khaalid Xasan Sh C/laahi iyo SIciid Jaamac Ismaaciil.
Hawlgalkii lagu soo qabtay kooxdaa ee magaalada Burco horaantii January 2011, ayaa ahaa mid si weyn loo abaabulay, kaas oo ay  iska kaashadeen Ciidamadda Somaliland iyo kooxo ka socday Sirdoonka Ingiriiska oo   in muddo ah daba socday, sidoo kale hawlagalka lagu qabtay kooxdaa waxa dhinaca cirka ka hagayay diyaarad si weyn ugu abuurtay bulshada xarunta gobolka Togdheer ee Burco, waxaana xiligaa qabashadooda lala xidhiidhiyay. Kadib markii laga helay xogo sheegaya  inay maleegayeen qorshayaal ismiidaamin ah oo xidhiidh la leh kooxaha argagixisada,  balse wax cadaymo ah ayaa  lagu waayay sida uu xaqiijiyay Taliyaha Booliska Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail.info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *