Muqdisho(ANN)Midowga Yurub ayaa xaqiijiyay in 50 askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM lagu dilay dagaalladii u danbeeyay ee Muqdisho. Sida lagu sheegay Warar madaxbanaan oo idaacada VOA-du heshay, kuwaas oo  sheegaya

 

in 130 askari oo ka tirsan AMISOM ay dagaallada ku dhaawacmeen.
Ku-xigeenka afhayeenka madaxa arrimaha dibedda Midowga Yurub, Maja Kocijancic ayaa wareysi ay siisay Laanta Af-Somaliga ee VOA ku xaqiijisay dhimashada askarta ciidamada AMISOM.
Askarta AMISOM ee dhimatay ayaa VOA-da loo xaqiijiyay in ugu yaraan 40 ka mid ah ay yihiin ciidamada Burindi.
Wararka ayaa sheegaya in dhimashada ugu badan ee askarta AMISOM ay dhacday 23-kii February oo ahayd  markii ay weerarka xoogga qaadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ee ay ku qaadeen fadhiisimada kooxda Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho. Weerarkaasi ayaa ciidamadan huwanta ah waxay ku qabsadeen goobo muhiim ah oo ay ka mid tahay wasaaraddii hore ee gaashaandhiga.
Saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa warbaahinta horey ugu sheegay in 6 askari looga dilay dagaallada Muqdisho, sidoo kale kooxda Al-shabaab ayaa iyaguna sheegtay in tiro badan oo ka tirsan ciidamada AMISOM ay ku dileen dagaallada Muqdisho.
Ciidamada Faransiiska ee saldhiga ku leh dalka Djibouti ayaa xaqiijiyay in diyaarad ay leeyihiin ay dhawaan magaalada Muqdisho ka soo qaaday qaar ka tirsan ciidamada AMISOM oo dhaawacyo ay ka soo gaadheen dagaallada ugu danbeeyay ee magaalada Muqdisho.
Tirada dhimashada ciidamadan AMISOM ee dagaallada Muqdisho ayaa noqonaysa tiradii ugu badneyd ee ku dhimata dagaallada Muqdisho.
Midowga Yurub ayaa kaalmada ugu badan siiya ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Africa ee ku sugan Somalia. 140 Malyuun oo Euro ayaa Midowga Yurub ay siiyeen AMISOM tan iyo sanadkii 2007-dii. Ayaa lagu yidhi warbixinta idaacada VOA-da.
Dhinaca kale Af-hayeenka Al-shabaab Sh. Cali Dheere ayaa shalay waraysi uu siiyay idaacada BBC-da laanteeda Afka soomaaliga inay hayaan maxaabiis iyo maydad ka askarta reer Brundi ah, kuwaas oo uu xusay inay haddii wada hadal  yimaado ay shuruud ku xidhayaan. Afhayeenku waxa kale oo uu xusay inay askarta qaarkood yihiin kuwo dhaawac ah oo ay ku dawaynayaan cusbitaalo ay maamulaan oo aanu xusin halka ay ku yaaliin. Sidoo kale wuxuu ka gaabsaday tirada rasmiga ah ee dhaawaca, maydadka iyo maxaabiista ay hayaan ee askarta Amisom.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *