Hargeysa(ANN)Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka qaylisay dhawaaqyo uu si weyn ugu dhaliilay Boqor Cismaan Aw Maxamuud safarka wefdiga Madaxweynaha ee dalka China  oo uu ku tilmaamay mid la majara habaabiyay qorshihiisa. Boqor Cismaan Buur-madaw

waxa uu weedhahaa iyo kuwo kaleba si weyn ugu dhaliilay socdaalka madaxweynaha iyo wefdigiisa ee dalka china, isagoo Mr. Buur-madaw waraysi uu siiyay  Telefishanka laga leeyahay Somaliland ee Horn cable TV, ku sheegay inuu booqasho ku tegey dalkaa, isla markaana aanu arag wefdiga Madaxweynaha, balse isaga si weyn loogu soo dhoweeyay halkaa, isla markaana uu ka qaybgalay shir lagu qabtay dalka China sida uu sheegay.
Hase yeeshee xukuumadda Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixisay dhawaaqa Buur-madaw, iyadoo ku tilmaantay weedhaha Buur-madaw kuwo mala awaal ah oo aan waxba ka jirin. Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay in Boqor Cismaan Buurmadow uu yahay eedaysane dalka dambi ka galay oo ay dacwadiisu taalo Xeer ilaalinta guud ee dalka.

 

Afhayeenku waxa uu sidaa  ku sheegay waraysi uu  jawaab uga dhigay hadalka  Cismaan Buurmadow  ee laga sii daayay xalay  Telefishanka Horn cable TV, wuxuuna isagoo arrintaa eedaynta Buur-madaw ka hadlaya yidhi,  “Horta Madaxweynaha iyo Weftigiisu inay joogan Shiinaha maaha wax muran ku jira, waxa ka warramaysa Warbaahinta dunida oo dhan. Sidoo kale dawladda Itoobiya ayaa ka warramaysay. Maaha waxani wax qarsoon Wefti ay dawladdi leedahay oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Qaran maaha Shillin dhulka ku lumay oo sidiisa oo kale loo daydayo. Waa wax ay warbaahinta caalamkuna isha ku hayso oo dawladdii casuuntay iyo dadkii casuumay ay meel la joogaan.” Ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadu Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cakuse) oo ka jawaabayey dhalliisha Boqor Cismaan Buurmadaw u jeediyey Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa safarka ku jooga dalka Shiinaha .

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland C/llaahi Cukuse oo la weydiiyey jiritaanka arrinta Boqor Buurmadow ku dhalliilay Xukuumadda oo uu tilmamay inay Madaxweynaha la socdaan siyaasiyiin aan bislayn waxa uu Afhayeenku ku jawaabay; “Siyaasiyiinta uu ujeedaa waa Wasiirrada, Xukuumaddanina waa labaatan iyo dheeraad Wasiir, markaa anigu cidda uu ujeedo garan maaye haddii uu leeyahay Maxamed Cabdillaahi Cumar nin aan ahayn siyaasi weyn oo rug-cadaya maaha, Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar waa ninka weyn ee Jaamacadaha dalka Ingiriiska Macallinka ka ahaa waa haddii uu ninkaa ujeedo. Haddii uu ujeedo labaatanka Wasiir wxii lagu xushay wuu garanayaa. Laakiin, waxaan ku sheegayaa Buurmadow waa nin weyn oo immika waa eedaysane oo Dacwaddiisu waxay taallaa Xeer-ilaalinta oo wuxuu galay dembiyo Qaran, waxa uu galay waxyaabo aan bani’aadamka caadiga ahi isula dhicin. Marka uu shaqsiyada Madaxweynaha wax ka sheegay Xukuumadda ayuu wax ka sheegay dadka ayuu qof qof ugu yidhi waa argagixiso. Marka uu waxaa leeyahay Boqorku waa nin diidaya horumarka dalka iyo dadka Somaliland.”

Dhinaca kale warar shebekada wararka ee Araweelonews heshay oo la xidhiidha socdaalka wefdiga Madaxweynaha ayaa sheegaya inuu caawa kusoo laabtay xarunta dalka Ethiopia ee Addis-ababa, isla markaana la filayo inay wefdigu Madaxweynuhu dalka dib ugu soo laabtaan maalinta  Khamiista, balse warar kale ayaa sheegaya inay maalinta Sabtida kusoo laabanayaan dalka.   Madaxweyne Siilaanyo ayaa ujeedada safarkiisu la xidhiidhay kadib markii ay heshiis sadex geesood kala saxeexdeen dalka Shiinaha, Somaliland iyo Ethiopia, kaas sidii Dekedda Berbera looga samayn lahaa dhuumo qaada shiidaalka iyo Gaasta ay shiinuhu kasoo saarayaan dalka Ethiopia, kaas oo ay si wada jir ah qalinka ugu duugeen sadexda dawladood.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *