Burco(ANN)Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ee laga soo doortay gobolka Togdheer oo dhawaan safar xaqiiqo raadis ah ku tegay gobolkaa, ayaa ka dayriyay xaalada xabsiga dhexe ee magaalada Burco oo ay ku tilmaameen inay ka jirto masiibo bini’aadanimo.Mudaneyaashaa

oo caawa u waramayay TV-ga Horn Cable, ayaa xukuumada iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha xuquuqda bini’aadamka ugu baaqay in haddii aan si deg-deg ah wax looga qaban ay ka dhalan karaan cudurada faafa iyo masiibooyin halis ku ah bulshada.
Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo ka mid ahaa muddaneyaashan shirka jaraa’id qabtay ayaa faah-faahin ka bixiyay safarkaasi ay dhawaan ku tegeen gobolka Togdheer iyo waxyaabihii ay kula soo kulmeen
“Waxaa uu kulankayagani daba socday safar xaqiiqo raadis ah oo aanu dhawaan ku tagnay gobolka Togdheer, oo aanu ku soo eegaynay xaalada nololeed ta bulsho, xaalada dhaqaale, oo aanu hay’adaha dawlada kula soo kulanay dhul badana aanu soo booqanay oo aanu soo indha indhaynay soona eegnay xog badana soo ururinay baarlamankana u gudbinay.” Ayuu yidhi xildhibaan Cali.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxaa uu yidhi “meelihii aanu soo marnay waxaa ka mid ahaa xabsiga dhexe ee magaalada Burco, xabsigaa waxyaabihii aanu ku soo aragnay oo aanu ku aragnay xaalad khatar ah oo masiibo bini’aadanimo ah ayaa ka jirta, xabsi gaboobay maxaabiistii ku badatay , caafimaad daro ka jirto, bulaacadihii buuxsameen, 19940-kii la dhisay oo qarka u saran in uu dumo, ayaanu qaylo dhaantiisii soo gaadhsiinay wasaarada Cadaalada oo ah wasaarada ay khusayso qoraalna waanu u soo gudbinay toosna waanu ugu keenay wasaaradii qoraalkaa waxaanu toos ugu gudbinay shir gudoonka baarlamaanka iyo madaxtooyada oo aanu qoraalkaasi gaadhsiinay madaxwayne ku xigeenka.

Jawaabtii wasiirkuna wuu noo sheegay in uu tix gelin badan u hayo in uu u dadaalayo oo uu dadaal badan ka gelayo haday dawlada tahay iyo haday Hay’adaha tahayba oo uu hawl gelinayo kormeerna ku tegayo ayuu noo sheegay, anaguna waanu daba soconaynaa oo sidaas kaga hadhi mayno iyada iyo meelihii kale ee aanu booqanayba, anagoo warbixintii oo dhan u gudbinay baarlamaanka, waxaanu tan ugu horaysiinay ee aanu u doorbidnay waxaa weeyi meesha ugu jilicsan ee ugu dhibaatada badan leh oo aanu u arkaynay xataa in ay caafimaad daro iyo cuduro faafaa ay ka dhici karaan xaalada ay ku jiraan , in uu ku dumi karo maxaabiista in aanu qaadi karayn , in aanu meeshii dumarka lahayn, in aanu meeshii caruurta lahayn, markaa baaq baanu soo jeedinay oo qoraalka aanu xukuumada iyo wasiirka u gudbinay kaasi oo xukuumada ku wajahanaa xuquuqda bini’aadamka iyo dadka u dhaq dhaqaaqa ee had iyo jeer hadlana ee ka hadla xuquuqda biniaadamka iyagana waanu u gudbinay.” Ayuu yidhi Muddaney Cali Xasan Cali Mareexaan.

Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye oo isna shirkan jaraa’id ka hadlay ayaa ugu baaqay dawlada, hay’adaha ka shaqeeya arrimaha biniaadanimada, ganacsatada iyo cid kasta oo gacan ka gaysan kartaba in si deg-deg ah wax looga qabto xaalada xabsigaasi “Waxaa ka jira xabsiga dhexe ee Burco xaalad biniaadanimo oo ah in si deg-deg ah wax looga qabto oo loogu gurmado, waxaa kale oo aanu baaqa ku darnay Hay’adaha kale ee sama falka iyo ganacsatada iyo cid kastaaba in ay iyaguna ka qayb galaan oo dhismeheeda laga wada qayb hawl galo dhul badana wuu haystaa oo laga dhisi karo mid cusub.
Waxaa kale oo aanu la kulmi doonaa taliska guud ee ciidanka asluubta oo aanu iayagana u qori doono wixii hawshooda ah.
Dumarka caruurta iyo kuwa waalan cid kastaaba way ku jirtaa , waxaa loogu talo galay konton qof afar boqol ayaa imikana ku jira runtii qofkii arkaba wuu soo yaabayaa , Waxyaabaha kale ee aanu xabsigaasi ku soo aragnay waxaa ka mid ah waxaa ku jira shan iyo afartan qof oo dil u xidhan, shan iyo afartankaasi meesha ay ku xidhan yihiim ma ha meel hayn karaysa markaa waxaanu hay’adahan iyo wasaarada u siinay qoraalkan in ay muhiimada koowaad siiyaan, waxaa jira in la leeyahay waxaa Hargaysa laga dhisayaa xabsi labaad waxaanu leenahay in ay kaasi Burco horumariyaan.” Ayuu yidhi Xilshibaan Waabeeye.
Xildhibaanada golaha wakiilada ayaa dhowaan qaarkood safaro xaqiiqo raadis ah ugu baxeen deegaamada laga soo doortay oo qaarkood, iyadoo ay mar hore dhamaatay mudadii shanta sanandood ahayd ee la doortay, balse ku jira mudadii saddexda sanadood ahayd ee golaha guurtidu u kordhiyay. Mudanayaasha xiligan xaqiiqio raadiska u tegey deegaanadii laga soo doortay lix sanadood ka hor ayaan qaar baddan oo ka mid ahi dib ugu laaban dadka soo doortay iyo deegaamadii ay ka yimaadeen, kuwaas oo ku mashquulay oo keliya inay kordhistaan musharkooda, isla markaana aan wax baddan ka qaban xeerarkii iyo shuruucdii la filayay inay habeeyaan. Waxayna socdaalka xiligan ee booqashadooda warar xog ogaal ah oo la xidhiidhaa tibaaxayaan inay tahay arrimo mashaariic hoose iyo kharash lagu samaysanayo oo ay dhinaca dhaqaallaha kharashkaa bixinayso Hay’adda golaha wakiilada ka caawisa dhinaca dumuqraadiyada.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *