Addis-Ababa (ANN)  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hoggaaminayay oo shalay soo gaadhay xarunta dalka Ethiopia ee Addis-ababa. Kadib  markii ay ka soo laabteen socdaal shaqo oo ay ku tageen dalka China, waxayna kulamo la

 

yeesheen Madaxweynaha dawlada fadaraalka ah ee Ethiopia Girma Wolde-Giorgis iyo Raysal wasaaraha dalkaa, kuwaas  oo ay  maanta kulamo gooni gooni ah ku yeesheen dalkaa
Ma jiro war murtiyeed ay labada dhinac kulamadaa kasoo wada saareen. Laakiin Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxtooyada Somaliland waxa lagaga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga qotada dheer ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Ethiopia. Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay  Afhayeenka madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa  u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Dawladda Fedraalka ee Itoobiya Mudane, Girma Wolde-Giorgis, iyo Ra”iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka ee Ethiopia Mudane Meles Zenawi ayaa maanta kulamo gooni gooniya xafiisyadooda, qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftiga uu hogaaminayo oo ku sugan xarunta dalka Ethiopia ee Addis-ababa.


Ugu horayn Madaxweynaha dawladda Fedraalka ee Itoobiya Mudane, Girma Wolde-Giorgis, oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa, ayaa Labada Madaxweyne waxay kulankaa kaga wada hadleen xidhiidhka qotada dheer ee u dhexeeya labada dal, ee arrimaha siyaasadda, nabadgalyada gobolka iyo guud ahaanba sii adkaynta iskaashiga & wax wada qabsiga labada dal.
Kulankaa labada madaxweyne ka dib, Ra”iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka ee Ethiopia Mudane Meles Zenawi ayaa isaguna Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftigiisa.

Ra”iisal Wasaaraha iyo Madaxweynuhu waxay si qotodheer uga wada hadleen xidhiidhka siyaasadeed, nabadgelyo iyo Dhaqaale ee labada wadan.
Madaxweyne axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu ra’iisal wasaaraha uga waramay xidhiidhkan Cusub ee iskaashiga dhinaca dhaqaalaha iyo Maalgashiga ee u bilawday Somaliland iyo Wadanka Shiinaha iyo Dalka Ethiopia.
Waxaanu ku dheeraaday Madaxweynuhu Muhiimada nololeed, dhaqaale, ee uu xidhiidhkani u yeelan doono Somaliland.
Ra’iisal wasaare Meles Zenawi ayaa isaguna dhiniciisa si weyn u soo dhaweeyey,  isla markaana xidhiidhkan maalgashiga ku tilmaamay mid muhiimad weyn u leh guud ahaanba mandaqada


Madaxweynaha waxa  kulamadaa ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Madaxtooyada Mudane, Xirsi Cali X. Xasan, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Beeraha Prof. Faarax Cilmi Maxamuud, Maareeyaha Dekedda Berbera Mudane, Axmed Yuusuf Dirir, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL Mudane, Cali Axmed Cali, iyo Safiirka, Somaliland ee Addis Ababa Amb. Aden Nuux Duule iyo Safiir Ku-xigeenka Mudane, Ayaanle Salaad Diiriye.”
Dhinaca kale qoraalka laguma xusin xiliga Madaxweynaha iyo wefdigiisu kusoo beeganyahay  ee ay dalka kusoo laabanayaan, balse wararka qaar ayaa sheegaya inay maalinta Khamiista kusoo laabanayaan dalka.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *