Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay wakiilka dawladda Itoobiya u fadhiya Hargeysa kala hadli doonaan dagaallo khasaare badan geystay oo ka dhacay tuulooyin hoos yimaadda degmada Gaashaamo ee kililka shanaad ee Itoobiya, kuwaasi oo dhex maray Ciidammadda Liyuu

Booliska kililka shanaad iyo bulshadda ku dhaqan deegaamadaa oo xadka gudaha dalkaa ah.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dhinaca maamulka Somaliland Cismaan Garaad Soofe oo warbaahinta kula hadlayey maanta magaalada Hargeysa, ayaa ugu baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda tuulooyinka Cadaada iyo Raqda oo ka tirsan degmada gashaamo ee gobolka dhagax buur ee kililka shanaad.
Wasiir ku xigeenku wuxuu ku dooday in dagaalka ka socda halkaasi uu halis ku yahay amaanka xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo itoobiya,  isaga oo xusay in dadka reer guuraaga ah ee ka soo jeeda Somaliland iyo kuwa ka soo jeeda itoobiya ay yihiin dad xoolo dhaqato ah oo badanaa isaga  gudba marba halkiii xoolaha u daaq roon.
“Dagaalkaasi wuu jiraa oo Sabtidii iyo Axaddiiba wuu dhacay, tiro dad ahina way ku dhinteen oo aad iyo aad ayaanu uga xun nahay waxyeeladda halkaasi ka dhacay, waxaanu ku baaqaynaa in dagaaladda halkaasi ka socda la joojiyo.waxaanu dawladda Itoobiya ka doonaynaa inay umadda reer Somaliland ee halkaasi degan ee reer Guuraag ah inay badbaadiso,”ayuu yidhi Cismaan Garaad Soofe.
Wasiir ku xigeenku wuxuu  cadeeyey inay Xukuumadda Somaliland ay kala hadi doonoto wakiilka Somaliand u fadhiya itoobiya sidii waxa looga qaban lahaa arritaa dagaalka ah ee ka aloosan deegaanadaa.
dagaalkaa oo u dhaxeeye Ciidamada loo yaqaano liyuu booliska iyo dadka ka soo jeeda deegaankaasi oo dagaal ba’ani ku dhexmaray deegamadaa, kaas oo ka bilaabmay sida la sheegay markii ay si badheedh  ah u dileen  kooxda Liyuu boolis nin ka mida dadka deegaankaa, taas oo ka cadhaysiisay dadkaa xoolo dhaqatada ah ee deegaankaa oo dagaal dhexmaray ciidanka Booliska kilalka shanaad ee Ethiopia, kaas oo aan si cad loo ogayn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay, iyadoo ay adagtahay deegaanka sida war looga helaa maadaama aanay ka jirin isgaadhsiinta casriga ee waqtigan la adeegsado.Balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhawr qof oo dhimasho ah iyo tiro kale oo dhaawacyo soo gaadheen labada dhinac.
Dhinaca kale maaha markii u horaysay ee ciidanka Liyuu Boolis ee ka hawlgala maamulka kililka shanaad ee Ethiopia weeraro sidan oo kale ah kusoo qaadaan bulshada xoolo dhaqatada ah ee kasoo jeeda Somaliland, isla markaana deegaanka ku ah dhulka xadka u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia, isla markaana isaga talaaba xadka labada dal, balse weeraro axmaqnimo ah ayay ciidamada Liyuu Boolis sidan oo kale sanadkii hore uga fuliyeen deegaamadaa, taas oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba keentay, isla markaana xukuumadda Somaliland ayaa dhawr goor ooh ore kala hadashay dawladda federaalka ee Ethiopia dhibaatada. Laakiin ilaa hada ma muuqdaan waxyaabo muujinaya inay jawaab ka bixisay  dhawaaqyada xukuumadda Somaliland hore ugu gudbisay Ethiopia.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *