Hargeysa(ANN)Madaxweyne-ku-xigeenkii u horreeyey Somaliland Muj. Xasan Ciise Jaamac, oo fagaarayaasha saaxada siyaasada ka maqnaa mudo dheer ayaa daboolka ka qaaday inuu taageeradiisa siyaasadeed ku biiriyey urur-siyaasadeedka Xaqsoor oo ka mid ah Ururada lagaga dhawaaqay

Somaliland , isla markaana ugu baaqay shacabka inay la dhisaan ururkaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay ururka kaliya ee oggolaaday himiladiisii midaynta ururada siyaasadeed ee dalka ka hanaqaaday.
Muj.  Xasan Ciise Jaamac oo galabta shir-jaraa’id ku qabtay xarunta urur-siyaasadeedka Xaqsoor  ee magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi, “Muddo ayaan ka shaqaynaayey midaynta ururrada cusub ee la-diiwaangeliyey, dhawr jeer ayey muuqatay inay diyaar u yihiin inay wadahadal rasmi ah galaan siday u midoobi lahaayeen, ururradaa midnimada diyaarka u ah, waxaa ii caddaatay in ururkan Xaqsoor uu yahay ururka ugu heelan midnimada ah,  inuu la midoobo ururrada kale oo uu xagga hor ka galo, hormoodna u noqdo midaynta ummadda Somaliland, sidaa awgeed waxaan goostay inaan taageero buuxda u fidiyo ururkan Xaqsoor, taageerayaashana aan waydiisto inay sidaas oo kale iila dhisaan ururkan, si uu u guto arrintaa uu u yahay astaanta ee ah midaynta ummadda Somaliland iyo ururrada cusub ee la-diiwaangeliyey haddii Alle yidhaahdo, taasaanan rajaynaynaa inuu kormeerka socda kaga qaybgalo oo isaga iyo inta la midawdaa u gudbaan heer xisbi.”

Xasan Ciise Jaamac oo la waydiiyey ururrada uu u bandhigay inay midoobaan, ayaa tilmaamay inay jiraan dhawr urur oo diyaar u ah midawga, isla markaana uu magacyadooda ku dhawaaqi doono waqti kale.  Muj Xasan Ciise Jaamac oo sidoo kale la waydiiyey in uu diyaar u yahay sidii uu guddoomiye uga noqon lahaa urur-siyaasadeedka Xaqsoor, waxa uu  ku jawaabay “Ururka Xaqsoor sida ururrada kaleba, wuxuu bishan soo socota qabsanaya shirweynihii, ururrada oo dhana waa laga rabaa, hoggaankooda iminka jiraana waa ku-meelgaadh, Xaqsoorna sidaas oo kale ururrada waa kala mid, markay muddada afarta toddobaad ee soo socda shirweynahooda qabsadaan haddii Alle yidhaa Xaqsoor diyaar baan u ahay in la igu casuumo oo aan majaraha u qabto, dariiqeeda saxda ahna ay soo marto, mabsuud baan ku ahay, isaga iyo ururrada kale ee la midoobaba haddii Alle yidhaahdo.” Ayuu yidhi.
Mar  warbaahintu su’aashay inuu ku guulaysan waayey midaynta xisbiga UCID iyo urur-siyaasadeedka UDHIS, waxa uu yidhi,  “UDHIS iyo UCID horaan u idhi labadaba waan ahay, waanay jirtay, waqtigaasina waxa uu ahaa waqti ururradan cusub badankooda aan lagu dhawaaqin, Xaqsoorna waqtigaas muu jirin, markaa ururka UDHIS iyo xisbiga UCID iyo ururradan dabadood soo baxay dhawr ka mid ah intuba midnimad away ogol yihiin, waxaana midayntii ururrada ka soo hormaray kormeerkan cusub ee socda, kaasaana wadahadaladii yara hakiyey oo mudnaanta yeeshay, marka uu kormeerkani ina dhaafo ee ururrada oo dhan ku mashquul yihiin, waxaan rajaynayaa ururradaas aad sheegtay iyo kuwa kale ee cusub ee gadaal lagaga dhawaaqay inay u soo banbaxaan midnimadaas, lagu midaynaayo ummadda Somaliland iyo ururradaba.”

Sidoo kale waxa  uu sheegay in ururka Xaqsoor kaalinta ugu horraysay galan kormeerka Guddida Diwaangelintu ka waddo magaalada Boorama ee ururrad-siyaasada lagaga rabo inay soo diiwaangeliyaan kun qof oo madax ka tariska ah, waxaannu yidhi;“Wararka inaga soo gaadhaya Boorama kormeerka diwaangelinta waxa weeyaan inuu Xaqsoor xagga hore kaga jiro tartankaas ururrada loo qabtay ee ah inay kunka qof keenaan, inta kale ee soo hadhayna waxaannu rajaynaynaa inay sidaas oo kale xagga hore ka galaan, iyaga iyo ururrada kale ee midnimada ummadda u heelan ee jecel inay midoobaan.” Ayuu yidhi Muj Xasan Ciise Jamaac.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *