Somalia(ANN)Fariin shaki iyo dareen cabsiyeed xanbaarsan oo lagu baahiyay shebekada Twitterka , ayaa sababtay in ururka Al-shabaab ka hadlaan fariintaa muuqaalka ahayd ee uu soo diray Abu-mansur Al-amriki oo ka tirsan ajaanibta ka bar bar dagaalama Al-shabaab,  taas oo uu ku sheegay

 

in uu cabsi ka qabo khatar kaga  timaada kooxda uu ka tirsanayahay ee Al-shabaab.  kadib markii sida uu sheegay uu khilaaf soo kala dhex galay, isaga iyo hogaamiyayaasha kooxdaa.
Al-shabaab ayaa sheegay in aanay   jirin wax khatar ah oo soo wajahday Al-amriik,  islamarkaana uu nabad qabo kuna sugan yahay ammaan iyo barwaaqo. Bogga ay ku leeyihiin shabakadda Twitterka ayey kooxda Al-Shabaab  ku faafiyeen fariimo dhowr ah oo ay arintaa kaga hadlayaan, kuwaas oo  ay  kamid ahaayeen weedhahan  oo lagu yidhi, ” Waxan hubnaa inaysan jirin wax khatar ah oo walaalkeen Al-amriki uga imanaysa dhinaca mujaahidiinta, wuxuuna weli ku raaxeysanayaa sharafta walaaltinimada Islaamka”
Al-shabaab ayaa sheegtay inay la yaaban yihiin fariinta muuqaalka ah ee uu Abu-mansur internetka ku faafiyey ee uu ku sheegay in naftiisu ay khatar ku jirto. “Xarakatu Shabab Al-mujaahidiintu waxay la yaabantahay fariinta uu Abu-mansuur internetka ku faafiyey ee ah in naftiisu ay khatar ku jirto” weedhahan ayaa ka mid ahaa fariimihii ay shebekadda Twitterka soo dhigeen.
Al-ameriki iyo saaxiibadii keligii ayaa wejigiisu muuqdaa sawirka soo jeeda
Sidoo kale Al-shabaab waxay xuseen  inuu socdo baadhitaan hordhac ah, kaas oo sida ay sheegeen  ku doonayaan  sidii ay u heli lahaayeen macluumaad ku waajahan fariinta uu Abu-Mansur shabakadda internetka ku faafiyey.
Arintan ayaa kusoo beegantay  xilli shalay uu Abu-Mansuur Al-Ameriki fariin muuqaal ah oo mudo hal daqiiqo ah socotey soo diray Al-amriiki, taas si weyn dareen u abuurtay. Al-Ameeriki  oo ah khuburada iyo hogaamiyayaasha  Al-shabaab, isla markaana  haystada dhalasahda dalka Maraykanka, wuxuu fariintiisa  ku sheegay inuu cabsi ka qabo in la dilo kadib makrii uu soo ifbaxay khilaaf u dhexeeya isaga iyo qaar kamid ah saraakiisha sar sare ee Al-shabaab.
Al-Ameriki oo mararka qaar loo yaqaan  Omar Shafik Hammami, wuxuu dhashay 1984, isagoo ku dhashay  Daphne oo ka tirsan  Alabama, wuxuuna waxbarashadiisa dugsiga sare ku qaatay Daphne High School. Omar Shafik oo la baxay (Al-Ameriki), wuxuu asalkiisu kasoo jeedaa Syria, iyadoo uu Aabihii ahaa Musilim suriyan ah, halka Hooyadiina kasoo jeedo dadka loo yaqaan  (American Southern Baptist.) . Mr. Omar Shafik markii uu dhamaystay waxbarasho dugsi sare oo uu ku bartay diinta Islaamka, wuxuu 2002, wuxuu tegey Canada, halkaas oo uu ku guursaday gabadh Soomaaliyeed oo ay isku barteen Canada, isagoo uga sii gudbay dalka Masar 2005, halkaas oo aabihii ku dhashay. Kadibna wuxuu isagoo aan u sheegin qoyskiisa u talaabay Somalia 2006, waqtigaa oo dagaal weyni u dhexeeyay maxkamddii Islaamiga ahaa iyo ciidamada Ethiopia, wuxuuna ku buuray kooxaha Jihaadka  ka wada Somalia.
Abu-Mansuur Al-Ameriki, wuxuu noqday qofka sadexaad ee u hadla Al-Qaida,  sidoo kalena qofkii sadexaad ee qiray in la dilay hogaamiyahoodii Usama, waxaana intii uu Somalia joogay ee ka midka ahaa kooxdaa  lagu arkayay isagoo YouTube-ka soo geliyay muuqaalo Videos, kuwaas oo muujinaya  tababaro uu siinayo Al-shabaab, isagoo khabiir ku ah waxyaabaha qaraxyada iyo dilalka iyo khibrada taatikada dagaalkaba. Muqaaladaa Al-ameriki wuxuu soo deynjiray isagoo aan is qarinayn sida ay sameeyaan muhaajiriinta kale ee ka tirsan Al-qaida ee ka barbar dagaalama Al-shabaab, ama shabaabka qaarkood,  balse si aan qarsoodi iyo gabasho lahayn u muuqdo wejigiisu.
Si kastaba ha Al-shabaab may dafirin muuqaalka fariinta shakiga iyo cabsida ku beertay Al-Amerki, iyadoo Al-Ameriki fariinta ku xusay inuu jiro khilaaf. Sidaa awgeed Al-amerki waxa suurta gal ah inay kooxda Al-shabaab uga shakiyeen inuu la shaqaynayo cid kale, ama kuwa kasoo horjeeda ee ugaadhsnaya. Ururweynaha Al-qaida oo hogaamiyahoodii lagu  dilay 2 May 2011, dalka Pakistan, waxa sanadii u danbeeyay soo waajahay weeraro lagu bartilmaameedsay hogaamiyaal waaweyn oo ka tirsanaa Al-qaida, kuwaas oo qaarkood lagu laayay weeraro maraykanu ka fuliyay koonfurta Somalia iyo meelo kale, waxayna sheekada Al-ameriki muujisay dareen shaki xanbaarsan iyo inuu jiro shaki ay ka qabaan Al-shabaab qaar ka mid ahi muhaajiriinta iyo kuwo kale oo ka barbar dagaalama.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *