Dubai(Arraweelo News Network)Xukuumada Somaliland ayaa heshiis la gashay shaqsiyaad ka mid ah kooxda dibed-wareega ah ee sheegata Awdal State, kuwaas oo dacaayado ku lid ah qaranimada

Somaliland mudo ka badan toban sanadood ka waday dhinaca qurbaha.

Kulan xalay lagu qabtay magaalada Dubai ee dalka Imaraadka carabta ayaa lagu sheegay geba-gebadiisii in wadahadalo in muddo ah u socday labada dhinac lagu waxa lagu soo Af-jaray arrintaa.

Shir saxaafadeed ay wada jir u qabteen Badhsaabka gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir oo sheegay inuu wakaalad ka haysto Madaxwaynaha Somaliland  oo uu wakiil uga ahaa wadahadalkaa iyo laba ka mid ah kooxdaa oo magacyadooda ku sheegay Cabdirashiid Nuur Aw Xirsi iyo Aamina Daahir Aadan oo ka mid ahaa kooxda sheegata kooxda Awdal State.

Badhsaabka gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir oo garab joogaan xubnahaas ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen in wixii khliaaf ah,  ama tabashso ah ee jiray lagu dhameeyo wada-hadal, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi,  “Waxaan jelecahay inaan u mahad celiyo Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hawshan aanu maanta u fadhino noo igmaday noona xil saaray aniga oo ah Cabdoo Axmed Aayir iyo Siciid Sulaymaan Shire, annaga oo in muddo ah ku howlanayn sidii walaalahayo Awdal State, aanu ugu muuujin lahayn wixii arrina ee jira, isla markaana miiska laysugu yimaado oo la wada hadalo, wixii tabasho ahna la daweeyo”.

Guddoomiye Cabdoo Axmed Aayir waxa kale oo uu yidhi,  “Waxaanu runtii ku heshiinay wax kasta oo curfi ah, khliaaf ama tabasho ah in wada hadal lagu dhameeyo, in si wada-jir ah oo isku duubni ah looga wada shaqeeyo nabad-galyada, midnimada iyo horumarka ummada reer Somaliland meel kasta oo ay joogto barri illaa galbeed”.

Dhinaca kale Cabdirashiid Nuur Aw Xirsi, ayaa isna dhankiisa cadeeyay ay kulamadii ay la lahaayeen masuulyiintaa ku dhamaadeen  is afgarad, wuxuuna tilmaamay in uu in muddo ah soo socday wadahadalku, haatanna la gaadhay guushii iyo midho dhalkiisii, isagoo tilmaamay in wada hadaladu waji qurxoon ugu bilaabmeen is af-garadna ugu soo dhammaadeen.

“Waaxaan wada hadal la bilaabnay dawlada Somaliland, wada-hadal kaasina wuxuu ku bilaabmay jawi wanaagsan waxaanu ku dhamaadey is-afgarad iyo jawi wanaagsan, waxaanu isla qaadanay in si wada jir ah loo raadsho midnimada dadka walaalaha ah ee dalka, diin iyo nolol wadaagta leh, in wax kasta oo ku salaysan kala tabasho si niyad sami ah loo daweeyo loona raadiyo xal-waarana loo gaadho, in meel looga soo wada jeesto nabad-galyada” ayuu yidhi C/rashiid Nuur Aw Xirsi.
Shaqsiyaadkan ayaa ka mid ahaa kooxda la baxaday Awdal State, kuwaas oo mudo dheer wareegayay dhinaca qurbaha, iyagoo dacaayado ka dhan ah qarimada Somaliland ka faafin jiray debedaha, balse kooxdaa ayaa sanadii u danbeeyay u muuqday kuwo caadifadii iyo riyooyinkii ay ku jireen kasoo laabanaya.
arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *