Qaraxa Boosaaso1Boosaaso(Araweelo News Network) Madaxweynaha Maamulka Puntland ee Somalia Cabdiraxmaan Faroole ayaa canbaareeyay  weerar ismiidaamin ah ah oo lala beegsaday gaadhi ay leeyihiin

 

ciidamada Badda ee maamulka Puntland, kaas oo marayay badhtamaha magaalada Boosaaso, isla markaana ay saarnaayeen ciidamo kuwa badda ah ee Puntland iyo sarakiil ajaanib ah.

Ma jirto cid sheegatay weerarkaa oo ahaa mid qarax gaadhi laga soo buxuuiyay waxyabaha qarxa oo lala beegsaday gaadhiga ciidanka oo xiliggaa marayay suuqa magaalada oo saxmad ah, balse si cad looma ogga in ay gaadhigaa saarnaayeen saraakiil ajaanib ah  iyo in ay qayb ka ahaayeen khasaaraha ka dhashay qaraxaa.

Qaraxaa oo ahaa mid sanqadhiisa laga maqlay magaalada Boosaaso, waxa wararka qaar sheegayaan in ay ku dhintee dad gaadhay ilaa 10 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen tiro gaadhaysa 8 qof.

Wasiirka arrimaha amaanka iyo maamulka Puntland Khaliif Ciise Mudan, kaas oo sheegay  in weerarkaa ay ku dhinteen dad gaadhaya 10 qof, kuwaas oo sida uu xusay  qaarkood ka tirsanaayen ciidanka.

Dhinaca kale warar kale ayaa sheegaya in weerarkaa khasaare kasoo gaadhay saraakiil ka tirsan shirkadda SARACEN, kuwaas si deg deg ah loogu qaaday diyaarad maanta si kedis ah usoo fadhiistay Madaarka Boosaaso.

Magaalada Boosaaso waxa dhowaan la weeraray xabsiga weyn eek u yaal magaaladaa, kaas oo kooxo xidhiidh la leh Al-shabaab doonayeen inay kala baxaan maxabiis kaga xidhan, waxaana weerarkaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *