NELSON MANDELA IS RELEASED FROM PRISON FILE PHOTO.Madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah ee taariikhdaa dalka Koonfur Afrika xukunka qabta Nelson Mandela ayaa geeriyooday  xalay, isaga oo dadiisu ahayd 95 jir. Mandela in muddo ah

 

ayuu xanuunsanayay oo lagu hayay cusbitaalka, waxaanaku dhawaaqay xalay geeridiisa  Madaxweyna waqtigan talada dalka Koonfur Afrika haya Mr. Jacob Zuma oo sheegay in marka uu geeriyooday ay la joogeen qoyska Mandela.
Nalsen Mandela oo ahaa hogaamiye caan ku noqday nabada iyo xoraynta dadkiisa xiligii midabtakoorku ka jiray Koonfur Afrika, wuxuuna noqday shaqsi si weyn dunida looga qadariyo, taas oo uu ku kasbaday astaamaha iyo dabeecadaha uu lahaa si uu u gaadho yoolkiisa.
Mandela waxa uu goorsaday xaaskiisi ugu horreysay Evelyn Mase, 1944. Waxa ay is fureen 1985 kadib markii afar caruur ah isku dhaleen.

Mr Mandela waxa uu bartay sharciga, waxaana uu 1952 xafiis qareen ka furtay Johannesburg isaga iyo saaxiibkii Oliver Tambo.
Mr Mandela iyo Mr Tambo iyaga oo wada socdawaxa ay sameeyeen olole lagaga soo horjeedo midab kala sooca, kaas oo ahaa nidaam ay dejiyeen xisbiga keliya eek a jiray dalkaa oo ay maamulayeen  dadka caddaanka ahaaee tirade yar oo cadaadin jiray madowga tirada badan.
1956, Mr Mandela waxaa lagu soo dacweeyay khiyaamo qaran, isaga iyo 155 qof oo kale, laakiin dacwaddaasi isaga loo heystay waa la iska tuuray kadib maxkamad Afar sanadood socotay.
Waxaana waqtigaa sii kordhay halgankii uu hormoodka u ahaa ee dadka madaw ugu jireen Iska caabinta midab kala sooca, taas oo  ay sabab  u badnayd sharciyo cusub oo la soo saaray, kuwaasi oo u sheegaya meelaha dadka madow loo oggol yahay inay ku noolaadaan iyo meelaha ay ka shaqeeyaan.
1958, Mr Mandela wuxuu guursaday Winnie Madikizela, oo markii danbe door muuqda ka qaadatay ololihii ninkeeda lagaga sii deynayay xabsiga.
Ururka ANC waxa la mamnuucay 1960. Markaana Mr Mandela, iyo xubno kale oo hoggaanka ururka ahaa ayaa dhuumasho galay.
Mucaaradka rejiimkii midab-kala sooca ayaa koray 1960 markii 69 qof oo madow ah ay ciidanka booliisku toogasho ku dileen banaanbax ka dhacayay Sharpeville.
Tani waxa ay calaamad u ahayd dhammaadkii iska caabinta  nabada ku dhisnayd ee uu hormoodka u ahaa Mandela, wuxuuna isagoo xiligaa Madaxweyne ku xigeenka ANC bilaabay olole lagu waxyeeleynayo dhaqaalaha, balse ugu dambeyntii waa la xidhay waxaana lagu soo eedeeyay in uu waday dagaal dawlada lagu ridayo iyo qorshayaal la doonayo in lagu wiiqo dhaqaalaha dalka.
Mandela markii lasoo taagay Maxkamadda, iyadoo dacwadiisa loogu magac daray Rivonia oo ah meel ku taal banaanka Johannesburg halkaasi oo laga soo xidhay qaar ka mid ah dadka eedeysnaa, ayaa Mr Mandela waxa uu gudbiyay fekerkiisa iyo waxa uu aaminsan yahay ee dimuqraadiyad, xorriyad iyo sinnaan.
“waxaan difaacayaa aragtida dimuqraadiyadda iyo bulsho xor ah taasi oo dhammaan dadku ay ku wada nool yihiin heshiis iyo fursado loo siman yahay,” Ayuu yidhi.
“Waa aragti aan rajeynayo inaan ku noolaado oo aan helo. Laakiin haddii loo baahdo, waa aragti aan diyaar u ahay inaan u dhinto.”
Dhammaadkii 1964 ayaa lagu xukumay xabsi daa’in.
12 bilood gudahood intii u dhaxeysay sanadihii 1968 iyo 1969, Hooyadii ayaa dhimatay, wiilkiisi ugu weynaana waxa uu ku dhintay shil baabuur, laakiin looma oggolaan inuu ka qeybgalo aaskoodi.
Wuxuu ku sii jiray xabsiga jasiiradda Robben Island muddo 18 sano ah, ka hor intaan loo wareejin xabsiga Pollsmoor sanadkii 1982.
Intii Mr Mandela iyo xubnihii kale ee hoggaamiyayaasha ANC ay ku jireen xabsi ama masaafur dibedda ah, dhalinyaradii Koonfur Afrika ee xaafadaha madowga intii karaankooda ah ayay la dagaallameen maamulkii caddaankii tirada yaraa.
Boqolaal ayaa la dilay, iyadoo kumanaan la dhaawacay ka hor inta aan kacdoonka baabi’in.
1980, Mr Tambo, oo masaafuris ku maqnaa ayaa bilaabay olole caalami ah oo lagu sii deynay Mr Mandela.
Beesha caalamka ayaa sii adkeysay cunaqabateyntii markii ugu horreysay lagu soo rogay 1967 rejiimkii midab kala sooca.
Cadaadiskaasi waxa uu keenay natiijo, sanadkii 1990, Madaxweyne FW de Klerk waxa uu mamnuuciddii ka qaaday ANC. Mr. Mandela ayaa  laga sii daayay xansiga, waxaana bilowday wada hadalo ku saabsan in la dhiso dowlad cusub oo jinsiyadaha kala duwan oo dimuqraadi ah.
Sanadkii 1992 Mr Mandela waxay kala tageen xaaskiisi, Winnie, arrimo ku saabsan gogol dhaaf ayaana loo aaneeyay, sidoo kale waxa Winnie lagu helay dacwado la xidhiidhay afduub iyo inay gacan siisay weerar dad lagu laayay.
Bishii Disember 1993,  Mandela iyo Mr de Klerk waxa la siiyay abaal marinta nabadda ee Nobel Peace Prize.
Shan bilood kadib, markii ugu horreysay taariikhda Koonfur Afrika, dhammaan jinsiyadaha kala duwan ayaa u codeeyay doorasho dimuqraadi ah, waxaana Madaxaweyne loo doortay Mr Mandela.
Dhibaatada ugu horreysay ee soo wajahday waxay ahayd guryo la’aanta heysatay dadka saboolka ah, xaafadaha isku raranka ah ayaa sii socday oo dhibaato ku ahaa magaalooyinka waaweyn.
Wuxuu ku xigeen ka dhigtay Thabo Mbeki, oo uu ku aaminay shaqo maalmeedka dowladda ee maalin kasta, halka isaguna uu xoogga saaray shaqooyinka hoggaamiyaha iyo inuu dhiso muuqaal cusub oo caalami ah oo ay yeelato Koonfur Afrika.
Waana sababta uu ku guuleystay in uu ka dhaadhacsiyo shirkadaha waaweyn ee caalamiga ah inay joogaan dalka oo ay maal-gashadaan Koonfur Afrika.
Sanad-guurada 80aad ee dhalashadiisa, 1998, Mr Mandela waxa uu guursaday Graca Machel, oo ah haweeneydii uu ka dhintay Madaxweynihii hore ee Mozambique., kaas oo ka mid ahaa geesiyaashii Afrika.
Markii uu xilka Madaxweynenimada ka degay 1999, in meelaha banaanka lagu arko waxa ay inta badan la xidhiidhay hawsha hey’addiisa Mandela, oo ah hey’ad samafal oo uu aasaasay, laakiin waxa uu sii waday in uu galo sidii uu dhibaatooyinka aduunka qaarkood door uga cayaari lahaa, isagoo  dibedda ugu baxay safari badan si uu ula kulmo hoggaamiyeyaal iyo sidoo kale in uu ka qeybgalo shirarka waaweyn, isagoo helay abaalmarinno caalami ah.
Sanad-guurada 89aad ee dhalashadiisa, wuxuu sameeyay koox loogu magac dara Odoyaasha oo ka kooban xubno dunida caan ka ah si ay u bixiyaan talo iyo tusaalooyin “si wax logga qabto dhibaatooyinka ugu daran ee caalamka”.
Waxaa suurtagal ah in arrinta ugu weyn ee ay tahay in la xuso sanadihii ugu dambeeyay in sanadkii 2005, kadib markii uu dhintay wiilkiisi Makgatho. Markaasi oo ay weli ceeb ahayd in laga hadlo cudurka dilaaga ah ee AIDS, uu Mr Mandela ku dhawaaqay in wiilkiisa uu u dhintay cudurka AIDS, isla markaana uu ku booriyay dadka Koonfur Afrika inay ka hadlaan cudurka oo ay u arkaan sida jiro caadi.
Mandela wuxuu noqday hogaamiye nabadeed iyo dulqaad nabadeed oo dunida si weyn looga bartay, isla markaana la tixgeliyo, isagoo tusaale u noqday hogaamiyayaasha dunida.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *