hasiish shidaal Somaliland and DNOWashington(ANN)Wefdiga Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo eek u sugan Cariga dalka Maraykanka ayaa  heshiis dhinaca shidaalka ah la saxeexday  shirkad shidaalka soo

saarta oo laga leeyahay wadanka Norway.
Munaasibad labada dhinac ee Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda D.N.O kala saxeexdeen  oo ka dhacay Magaalada Washington ee wadanka maraykanka , dhinaca xukuuumada waxa u sexeexay Wasiirka Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Xuseen Cali Ducaale, dhinaca shirkaddana waxa  u sexeexay Mr.  bijan mossavar-rahmani oo ah madaxa fulinta ee shirkadaa oo magaceedu yahay D.N.O.

Madasha  heshiiska lagu saxeeyay waxa goobjoog ka ahaa madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed  Siilaanyo, wasiirka macdanta iyo Biyaha Somaliland oo sexeexa ka dib hadal kooban ka jeediyay goobta ayaa sheegay in uu ku farxsan yahy heshiiskan cusub ee ay xukuumadda Somalilnad la gashay shirkada DNO Norwegian oil company .

Waa shirkadii sadexaad ee shiidaal baadhis ah oo heshiis la gasha Somaliland sadexdii sanadood ee ugu danbeeyay taasina waxay cadaynaysaa ayuu yidhi wasiirku sida ay shirkadaha caalemiga ahi u danaynayaan shidaalka ku kaydsan somaliland.

Madaxa fulinta ee shirkada  DNO bijan mossavar-rahmani oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in heshiiskani uu yahy mid taariikhi ah oo midho dhal noqon doona , mr. rahmani waxa uu sheegay in baadhitaan ka bilaabi doonaan dhulqiyaastiisu tahay 12,000 skm, waxa kale uu sheegay in ay Somaliland ku taalo meel u dhaw meelaha ay shirkadani hada howlaha shidaal qodis ah ka wado sida wadanka yeman iyo Iraq.

 

Dhinaca kale Heshiiskan oo aan si cad loo ogayn qaabka iyo nooca uu yahay iyo sida uu u waafaqsanyahay heshiisyada caalamiga ah ee dhinaca Khayraadka, ayaa kusoo beegmay iyadoo aanay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xal u helin khilaaf weli ka aloosan qandaraasyo ay bixiyeen shirkaddo ay xukuumaddu hore heshiis dhinaca shidaalka ah ula gashay, kuwaas qaabka sharciyadda heshiisyadaa aan loo gudbin golayaasha shrci dejinta, isla markaana bilawgii hawshooda khilaaf ka dhashay. Kadib markii dadka deegaanada la doonayo in hawshaa laga bilaabo ka muujiyeen cabashooyin la xidhiidha qaabka loo maamulay qandaraasyada hawsha ay bilaabayaan shirkadduhu, taas oo sabab u noqotay inay qaarkood hakiyan shaqadii ay bilaabi lahaayeen.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *