amina jawaahirNairobi(Araweelo News Network) Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ku dhawaaqay  afar wasiir oo hordhac u ah xubnaha golaha wasiiradiisa, kuwaas oo ay ku jirto haweenay markii u horaysay

 

taariikhda dalka Kenya noqotay Wasiirka Arrimaha Debeda, isla markaana noqonay haweenaydii u horaysay ee Soomaalida Kenya ah, ama qofkii ugu heerar Soomalida Kenyaanka ah ee mansabkaas oo kale gaadha.

Madaxweynaha cusub ee ku guulaystay doorashii dhowaan ka dhacday dalka Kenya Mr.  Uhuru ayaa ku dhawaaqay magacyada wasiirada Arrimaha Dibedda, Caafimaadka, Warfaafinta iyo Maaliyadda.

Waxaana Wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya loo magacaabay, Aamina Jawaahir  Maxamed oo kasoo shaqaysay hay’addo caalami ah, isla markaana xilal kasoo qabtay xukuumaddii hore Kibaki ee dalka Kenya.

Haweenayda Madaxweynaha Kenya u magcaabay Wasiirka Arrimaha Debeda Kenya,  Aamina Jawaahir ayaa xukuumaddii hore kasoo qabaty jagada  xoghaye joogta ah oo ay ka noqotay wasaaradda cadalaadda Kenya, xilligii Madaxweyne Kibaki, balse waxay ka hor intii aan xilkaa loo magcaabin ahayd  ku xigeenka Agaasimaha Guud ee hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca degaanka UNEP.

Balse waxay xilkaa iska casishay kadib markii ay u tartantay  Aamina Agaasimaha Guud ee Hey’adda ganacsiga Adduunka ee WTO, taas oo looga guulaystay.

Dhinaca kale Madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyaati ayaa u magcaaby sadex  wasaaraddood oo kale, kuwaas oo kala ah Wasiirka Maaliyadda Henry Rotich, Wasaaradda Caafimaadka waxaa loo magacaabay James Macharia iyo Wasiirka Warfaafinta oo loo magacaabay James Macharia.

Uhuru waxa uu hore u sheegay inuu dhisayo gole wasiiro oo ka kooban 18 xubnood, balse waxa hada ay noqonayaan afarta xubnood ee uu magcaabay kuwo hordhac u ah xubnaha wasiiraddiisa.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *