Hargeysa(Araweelo News Network)Shil laba gaadhi oo isku dhacay duleedka Degmada Arabsiyo ee galbeedka Hargeysa ayaa sababay dhimashada  Sideed  qof, isla markaana waxa dhaacyo

kala duwani soo gaadheen tiro kale oo Todoba qof. Kadib markii laba Baabuur oo xamuul ah ay isku dhaceen.

Labada Gaadhi ayaa mid ka yimi dhinaca Wajaale ee xadka, wuxuuna siday shixnad Muus ah oo loo waday dhinaca Hargeysa, halka gaadhiga kale ahaa gaadiid Dekeda Berber aka daabulayay Raashin Caawimo ah oo loo waday Gebilay.

Maayarka degmada Gabilay, Shucayb Maxamed Muuse oo la hadalay warbaahinta, isagoo  xiliga uu shilku dhacay ku sugnaa goobta oo gurmad ay u tageen ayaa xaqiijiyay in sideed qof ku dhinteen,  todoba kalena dhaawac ka soo gaadhay, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya  yidhi,  “sideed qof ayaa dhimasho ah todoba kalena waa dhaawac sida ay ii xaqiijiyeen masuuliyiinta cisbitaalka Gabilay, runtii waxaa uu shil aad iyo aad u naxdin badan ayaa meesha ka dhacay, anigu ilaahada waxaan ku suganahay goobtii shilku ka dhacay”.ayuu yidhi Maayarka Gebilay.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacu kasoo gaadhay shilkaa ayaa loo qaaday dhinaca magaalada Gebilay sida uu sheegay Maayarka Gebilay, iyadoo dhaawaca lagu dawaynayo cusbitaalka.
Dhinaca kale Madaxeyne Xigeenka Somaliland C/raxmaan Ismaaciil Seylici ayaa ku tilmaamay shilkaa mid naxdin leh, wuxuuna tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *