Hargeysa (ANN) .Xukuumada Somaliland  ayaa maanta magcawday  guddi  loo  xil saaray ka soo tallo bixinta iyo soo qiimaynta xaallada nabadgelyo  ee gobolka Sool iyo Sanaag Barri iyo sidii xal nabadeed oo waara looga samayn lahaa cabashooyinka  siyaasadeed ee deegaankaa.

Guddida Madaxweynuhu magcaabay, isla markaana    ka kooban sideed xubnood waxay u badanyihiin wasiirro iyo xildhibaanno ka soo jeeda gobollada Bariga Somaliland.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland oo saxaafada loo qaybiyay ayaa lagu sheegay magcaabista gudiddaa. Qoraal uu ka saxeexanyahay Afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo lagu xusay magacyada xubnaha gudiddaa ayaa u qornaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu magacaabay Guddi ka soo tala bixisa Su’aasha Gobolada Barri.
Waxaanu madaxwaynuhu Guddidaasi uu Magacaabay faray in ay ka soo talo bixiyaan soona qiimeeyan, isla markaana soo darsaan Duruufaha ka taagan iyo qorshe Nabadeedkii lagu Xalin lahaa Aaga Bariga ee Goboladda Sool iyo Sanaag Barri.
Xubnaha Guddidan Madaxwaynuhu uu magacaabay waxa uu Gudoomiye uga dhigay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Dr: Maxamed Cabdi Gaboose.
Waxanay kala yihiin Xubnaha Guddidu : –
1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose
2. Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhiga
Mudane: Axmed X. Cali Cadami
3. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada
Mudane: Maxamuud Xaashi Cabdi
4. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Mudane: Cabdirisaaq Khaliif Axmed
5. Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta
Mudane: Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed
6. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Mudane: Cismaan Garaad Soofe
7. Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladda
Mudane: Baashe Maxamed Faarax iyo
8. Mudane: Fu’aad Aadan Cadde
Todobaadkii hore ayay ahayd markii koox salaadiin iyo Odayaal kasoo jeeda deegaanka Buuhoodle iyo gobolka Togdheer ay halkaa ku yeesheen kulan ay kaga arinsanyeen xaalada nabadgelyo ee deegaanka iyo khilaafka kooxda la baxday SSC ee malayshiyada ah, balse heshiiskii ay labada dhinac wada gaadheen ayaa keenay inay qodob ka mid ah oo ku saabsan arrimaha ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan jiidaa ay xukuumadda Somaliland ganafka ku dhifato, iyadoo dhinaca kalena soo dhawaysay heshiiska nabadeed iyo wada hadal in lagu dhameeyo wixii tabashooyin ah.
Dhinaca kalena waxa jira warar sheegaya inay wixii mudadaa ka danbeeyay kooxda SSc isku khilaafeen sida laga yeelo wada hadalka uu madaxweyne Siilaanyo ku baaqay markii uu xilka la wareegay iyo qorshaha salaadiinta labada dhinac ee dhowaan ku kulmay halkaa, waxayna dad xog ogaal u ah arrimahaasi u sheegeen shebekada wararka ee Araweelonews.com  inay laba u qaybsameen kooxda SSc, kuwaas oo qaarkood doonayaan inay xukuumadda Somaliland la galaan wada hadal, halka kooxda kalena doonay inay sii wadaan kasoo horjeedka ay kasoo horjeedaan Somaliland, iyadoo ay kooxda wada hadalka doonay gaar ula baxeen siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanka Sool iyo Buuhoodle oo magac ku leh bulshada deegaanka.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *