images/stories/madaxweyne axmed siilaanyo oo lugaynaya kormeerkii uu ku marayay wasaaraddaha.bmp  Hargeysa (ANN)Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa saaka kormeer lama filaana ku maray xarumaha labaatanka wasaaraddood ee ay ka koobantahay  xukuumadiisu iyo xafiisyada wakaaladdaha ay xukuumadu maamusho. Socdaalka kediska ah ee Madaxweynuhu saaka bilaabay 7;00 subaxnimo oo inta badan uu socod lug ah ku marayay xarumahaa

  waxa uu ujeedadiisa uu ku sheegay sidii uu wax uga ogaan lahaa inay wasaaradduhu shaqeeyaan xiligii ay balan qaadeen iyo sida ay hawlaha qaranku u socdaan. 
 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehelinayeen taliyaha ciidanka booliska, talilayaha ilaalada madaxtooyada, Badhasaabka gobolka Hargeysa, Chief of Cabinet-ka, afhayeenka madaxtooyada, madaxa baratakoolka iyo xubno kale, waxaana  goobaha uu saaka booqday ay ka mid ahaayeen  Wasaaraddaha Maaliyadda, Arimaha Gudaha, Arimaha Debadda, Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare, Xanaanadda Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Beeraha, Shaqada iyo Arimaha Qoyska, Warfaafinta iyo Wacyigelinta, Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska, Kalluumaysiga, Khayraadka Bada iyo Maamulka Dekedaha, Diinta iyo Awqaafta iyo Wakaalada Biyaha.

 

 

 

 


 Masuuliyiinta uu kula kulmay madaxweyne siilaanyo wasaaraddaha iyo wakaaladdaha uu booqday oo xiligaa ku guada jiray hawshooda  ayaa uga xog waramay hawlahooda shaqo waxaanay tilmaameen inay aroortii shaqada soo galaan 7:00 subaxnimo oo ay ka baxaan 1;00 duhurnimo.
Sidoo kale waxay masuuliyiinta qaarkood warbixin ka siiyeen Madaxweynaha hawlaha xarumaha Wasaaraddaha ay maamulaan iyo waxqabadkooda. Wuxuuna Madaxweyhunu uga mahad celiyay sida ay shaqadooda u wataan.

 

 

 

 

 

 

 

Kormeerka madaxweynaha oo noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah tan iyo markii uu xilka la wareegay dhamaadkii bishii hore ayaa saaka u muuqday mid dhiiri gelinaya masuuliyiinta xukuumada iyo shaqaalaha dawlada ee xarumaha wasaaraddaha, isla markaama Madaxweynahu intii uu booqanayay goobahaa wuxuu mararka qaar ku hakanayay dadka shicibka ah ee goobahaa ka dhowaa, kuwaas oo uu salaam ku gacanqaadayay.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *