Hargeysa (ANN)Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), ayaa Agaasimihii hore ee TV-ga Qaranka kala wareegay masuuliyadda Telefishanka oo aan ku jirin qaybihii uu maalintii hore kala wareegay  Wasiirkii hore ee Warfaafinta, iyadoo laga maamuli jiray TV qaranka madaxtooyada xiligii Madaxweyne Rayaale.

 Munaasibadda xil-wareejinta oo shalay  lagu qabtay Xarunta TV-ga qaranka ee Wasaaradda dhexdeeda, waxa ka soo qaybgaley Afhayeenka Madaxtooyada, Badhasaabka Gobolka Hargeysa, Masuuliyiinta xilka ka tirsanayay, Madaxda kala duwan Warfaafinta dawladda, Suxufiyiin iyo marti-sharaf kale. Waxaana ugu horreyn halkaa ka hadlay Agaasimihii Telefishanka qaranka Maxamed Muuse Diiriye, kaas oo ka  warbixiyay muddo ku siman afar sano iyo badh oo uu Agaasime  ka ahaa Telefishanka, maraaxaladii uu soo maray iyo heerka uu xilligan taaganaa.
“Waxaan kule wareegay 64shaqaale ah markii aan meesha (TV-ga) qabtay, tirada shaqaaluhu hadda waxay maraysaa 96 iyo madaxdii kale ee shaqada TV-ga la wadday sida Agaasimayaashii maamulka , Barnaamijyada iyo farsamada.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimihii hore ee TV-ga qaranka Maxamed Muuse. Waxa kale oo uu sheegay Agaasimihii hore in guud ahaan wixii hanti iyo qalab ah ee Telefishanku leeyahay uu qoraal ahaan ugu gudbiyay Wasiirka Warfafinta. Sidoo kale  waxa uu madasha ka sheegay inuu  Wasiirka ku wareejiyay 5 (shan gaadhi ) iyo dhisme Xafiis, kaa oo laba sanno ka hor laga hirgaliyay xarunta TV-ga. Isla markaana, Agaasimihii hore  waxa uu xusay in dayntii dhismahaa  lagu leeyahay TV-ga qaranka, taasoo uu Wasiirka cusub ee Warfaafinta iyana ku wareejinayo.
“Wasiirku aad ayuu unasiib badan yahay, sababtoo ah maalintii uu yimid maalintii kahoraysay wuu ciladaysnaa TV-gu, maalintii uu dalka yimina wuu shaqeeyey.” Sidaa waxa yidhi
Af hayeenka Madaxtooyada C/laahi Maxamed Daahir (Cakuse) oo madashaa hadal ka jeediyay. Af hayeenku waxa uu sheegay in Wasiirka cusub Geel-jire yahay shakhsi u qalma in uu heerka ay joogeen sare uga sii qaado qaybaha kala duwan ee Wasaaradda Warfaafinta oo uu tilamaamay inay tahay hayad ahmiyad weyn u leh Qaranka.
Cabdillaahi-Cukuse waxa kale oo uu ka hadlay doorka masuuliyadda Wasaaradda ee dhinaca Hay’adaha warbaahinta qaarkood.
“C/laahi Geel-jire waxa farxad u ah dalkan Idaacado aan la ogolayn iyo kuwo la ogolyahay iyo kuwo sharciya, kuwo aan sharci ahayn iyo kuwo dawliya ayaa jiray oo qaar mucaarid yihiin, qaarna muxaafid yihiin, maanta waxaan filayaa in Wasiirka Warfaafintu labadii Idaacdood ee Horyaal iyo Radio Hargaysaba isugu ka wada hadli doono.” ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Cukuse.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Jaamac Cismaan {Geel-jire} oo si rasmi ah xilkaasi TV-ga qaranka ugala wareegay agaasimihii hore oo ka hadlay gunaanadkii Xafladda ayaa ka waramay is taraatijiyadda hoggaamineed ee uu ku tala-galay inuu ku saleeyo hab maamulka Wasaaradda, isagoo balanqaaday in uu gundhig uga dhigayo is ixtiraam, kala dan bayn iyo wadanka oo isku duubni loogu wada shaqeeyo.
Balse, taa lidkeeda aanu ahayn shakhsi u yimi is xukun ku dhisan digdig iyo ismuquunin u dhaxaysa madaxda iyo hawl wadeenada Wasaaradda. “Aniga marka horana Askari ayuu Abbahay ahaa oo dhal Askari ayaan ahay, mar kalena Qurbaha ayaan joogay. Markaa kollay dadka soo kallaha ee aad u shaqeeya ee ku raaga shaqada ayaan ka mid ahay, sidaa awgeed, waxaan odhan lahaa haddii dad badani igu daba xiiqaan waa inaad u diyaar garawdaan, gaar ahaan inta aannu shaqo isugu nimaadno.” Sidaa ayuu yidhi Mr. Geel-jire.
Sidoo kale  Wasiirka Warfaafinta oo tilmaamayay  dareenka uu ka qaatay labadii maalmood ee kala dambeeyey ee uu la kala wareegay qaybaha Wasaaradda ee Idaacadda iyo TV-ga, ayaa yidhi; “Wixii aan shalay arkay iyo waxa aan maanta arkay aad iyo aad baan ugu faraxsanahay, dee qolada  Idaacadda  rajo ayay ahaayeen baan u malaynayaa, qoladan TV qarankana hooyadood ayaa noolayd, laakiin aad iyo aad bay meeshiinu (TV-gu) u wanaagsan tahay, meel wanaagsana waad maraysaan, Illaahayna xilka ha innoo fududeeyo dhammaanteen.” Ayuu hadalkiisa kusoo xidhay Wasiirka warfaafintu,  wuxuuna  ballan qaaday inuu guud ahaanba qaybaha kala duwan ee Wasaaradda ee uu la wareegay masuuliyadooda si isku mid ah ugu wada adeegi doono ummada, isla markaana ka shaqayn doono sidii uu horumar la taaban karo  u gaadhsiin lahaa.
Telefishanka qaranka ayaa hore uga madaxbanaanaa wasaaradda warfaafinta, waxaana laga maamuli jiray madaxtooyada tan iyo markii laga hirgeliyay Hargeysa. Iyadoo ay xukuumadii Rayaale u adeegsan jirtay dacaayadaha axsaabta mucaaridka iyo borobagaandooyinka siyaasadeed oo uu si qaawan u baahin jiray.
, balse hada waxa lagu soo daray maamulka wasaaradda warfaafinta, isla markaana wasiirka cusub ee warfaafinta ayaa balan qaaday inay warbaahinta qaranku noqonayso mid u shaqaysa Ummada basle aanay noqonayn mid xisbi iyo cid gaara loogu adeego.
 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *