Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday inay diyaar u tahay, isla markaana door mihiim ah ka qaadanayso sidii caawimo bini aadanimo loo gaadhsiin laahaa  dadka abaaraha iyo colaadu  tabaaleeyeen ee wadanka Soomaaliya oo ku jira xaalad murugo ah.Xukuuamadu
waxay sidaa ku sheegtay go’aan kasoo baxay  Shirkii Golaha Wasiirrada ee maanta oo uu guddoominayay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland. C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), isla markaana ah ku simaha Madaxweynaha Somaliland, maadaama Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ku maqanyahay safar dhinaca dalka China ah.

Qoraal  saxaafadeed  kasoo baxay  kulankaa golaha wasiirada Somaliland oo ku qabsoomay qasriga madaxtooyada oo uu ku sexeexan yahay  Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa  u dhignaa sidan:- “Fadhigii Caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada JSL, oo uu gudoominaayey Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku simaha Madaxweynaha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dood dheer ka dib lagu go’aamiyey:-
1. In ay Somaliland diyaar u tahay Gurmadka Caalamiga ah ee loo fidinayo dadka ay bara kiciyeen abbaaruhu ee mandaqada geeska Africa siiba Soomaaliya.
2. Sidoo kale Waxa la magaacay Guddi Heer Qaran ah oo ka soo tala bixinaysa kaalinta Gurmadka ee Somaliland, iyo sidii Qaadhaan loogu heli lahaa dadka ku tabaalaysan soomaaliya.
3. Iyo In Cidallaale cidii taakulo u sida Dadka ku macaluullaya soomaaliya loo fasaxay Dekeda Berbera isticmaalkeeda loona soo marin karo Dadkaa Macaluushu saamaysay iyo in ay Somaliland uga sii gudbin karaan Cuntada ay u sidaan Soomaaliya.
Xubnaha Guddida oo Dhan 7 Xubnood waxa ay kala yihiin sidan :-
1. Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi
2. Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Mudane, Axmed X. Cali Cadami
3. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed
4. Wasiirka Wasaaradda Diinta & Awqaafta Sh. Khaliif Cabdilaahi Axmed
5. Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debeda Dr. Mrashiid Sh. Xasan
6. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan
7. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryeynta. Cali Cabdi Saayiq.”
Dhinaca kale boqolaal kun oo ah dadka ku dhaqan koonfurta Somalia ayaa mudooyinkii u danbeeyay xaaladooda nololeed laga qaylinayay. Kadib markii ay haleeleen abaaro iyo colaado, isbarkaday,  waxaana gurmadka lagu samata bixinayo dadkaa  ka qayb qaatay, Hay’addo caalami ah, Qaramada Midoobay, kuwo madaxbanaan, ganacsto u dhashay Somaliland  iyo qaar ka mid ah dalalka Khaliijka oo iyagu geeyay shixnado cuntooyin ah deegaamada xaalada qalafsani ka jirto, balse  aana ilaa hada gurmadka loo sameeyay dadkaa aanu wax weyn ka bedelin xaalada iyo duruufaha ka taagan deegaankaa oo muuqaalo argagax leh warbixinaha ka imanayaa  kasoo tebinayaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *