View AH4.JPG in slide show

Hargeysa(ANN) Roobab Mahiigaana ayaa shalay  si weyn u biyo dhigay  magaalada caasimada ah ee Hargeysa iyo deegaamo kale oo ka tirsan, roobkaa ayaa sababay  inay gebi ahaanba xidhmaan wadooyinka magaalada ee laamiga ah oo markii horeba ahaa kuwo burbursan, isla maraana

 

dhagxaan, qashin  iyo ciid ayaa xidhay jidadka magaalada hargeysa shalay wax yar ka hor xiligii afurada roob ku dhawaad saacad da’ayay, kaas wadooyinka laamiga kaga tegey qashin iyo dhaxaan.

View AH5.JPG in slide show
View AH2.JPG in slide show

Hase yeeshee saaka salaadii subax ka dib waaberigii  ayaa  mar kale roob dhawr saacadood da’ayay  magaalada hargeysa, kaas oo daadad kasoo rogmaday  sii buuxiyeen dhagxaantii iyo ciida qashinka wadata ee roobkii shalay jidadka kaga tegey, waxaana gebi ahaanba

View AH4.JPG in slide show

xidhmay saaqiyadaha loo sameeyay inay biyuhu maraan ee magaalada. Kadib markii qashin buuxuyay, taas oo keentay inuu daadku ku fataho laamiga sidaana dhagxaan iyo qashin kaga tago.

View AH1.JPG in slide show

Masuuliyiinta dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa ku guuldaraysatay inay maarayso  wadooyinka xidhmay ee qashinka dhagxaanta iyo ciidu buuxisay,  taas oo ka sokow kala xidhnaanta iyo bilic xumada wadooyinka muuqaalkoodu is bedelay ay ka dhalan karaan qashinkaa xaalado caafimaad daro oo halis ku ah nolosha bulshada. Roobabka sidan oo kale ayaa fashiliya adeega qashin ururinta ee golaha deegaanka hargeysi u hayo bulshada, iyadoo mar kasta oo roobab ka da’aan magaalada hargeysa ay xidhmaan jiadadka laamiga oo gaadiidka iyo dadka aanu midna mari Karin, isla markaana daadka kasoo fataha biyo mareenada xidhmay soo maro shaaracyada wadooyinka magaalada.

View A3.JPG in slide show

Dhinaca kale roob sidan oo kale ah ayaa xalay ka da’ay magaalada xeebta ku taal ee Berbera, balse ma jiraan warar sheegaya wax khasaare ah oo uu geystay, iyadoo deegaamada Hawdka iyo galbeedkaba roobabku maansheeyeen maalmihii u damneeyay, isla markaana deegaanada galbeedka hargeysa meelo kala duwan roobab danab lahaa ku dileen dhawr qof ilaa inta la ogyahay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *