Hargeysa(ANN)Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa ku hanjabay inaan ciidammadda Somaliland u dul qaadan doonin gardarooyinka maleeshiyada maamul goboleedka Puntland.

Wasiirku Gaashaandhiga Somaliland   Axmed Xaaji Cali Cadami oo caawa u
waramayay Telefishanka madaxa banaan ee Horn cable,  waxa uu si kulul u cambaareeyay falkii maleeshiyada budhcad-badeeda maamul goboleedka Puntland  ee xaruntiisu tahay Garoowe ku weerareen wefti ka socday Somaliland oo uu hoggaaminayay xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka mid ah mudanayaasha  kasoo jeeda gobolka Sool ee wakiilada Somaliland.
“Waxa la sugayaa oo arrintu ku mudan tahay imika Puntland nimankan ay hayaan waxay ahaayeen shaqaale dawladeed oo adeeg bulsho fulinayay oo deegaanka u dhashay ooh ore u tagi jiray oo aanay meeshu ka caaganayn ayay ahaayeen,”ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami.
Wasiirka Gaashaan-dhigu waxa uu sheegay in jawiga Somaliland iyo Puntland beryahan dambe soo hagaagayay hase yeeshee arrintani ay fajiciso ku noqotay waxaanu yidhi “Maalmahan u dambeeyay jawiga lagu jiray iyo soo dayntii markabkii la afduubay arrimahaasi marka la eego jawi soo hagaagaya ayuu xidhiidhku u ekaa. Markaa arrintani fajiciso gaar ah ayay nagu noqotay.”
Mr.  Axmed Xaaji Cali Cadami oo la weydiiyay inay suurto gal tahay in ciidammada qaranka Somaliland ay tallaabo milatari oo aargoosi ah ay ka qaadaan  maamulka budhcad-badeeda  Puntland  ee xaruntiisu tahay Garoowe waxa uu  ku jawaabay “Waxa weeye Ciidanka Somaliland  wixii meel ka dhac ah ee qadaf ku ah ummaddiisa cabsi gelinaya iyo wixii cago juglayn u muuqan kara u dul qaadan maayaan.”
“Talaabo kasta oo la qaadaana waxay leedahay talaabadeeda, talaabadan imika dhacday waanu ka xun nahay sidaanu uga xun nahayna waa la gaadhsiiyay Puntland, waajib baanay nagu tahay difaaca karaamadda ummadda iyo dalka. Ciidankuna daawadeyaal ma noqonayaan,”ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigu.
Wasiirka Gaashaandhigu waxa uu sheegay in talaabada foosha xun ee dhaca, afduubka  iyo dilalka loo geystay masuuliyiinta wefdiga Somaliland ay shaki hor leh soo kala dhex gelinayso Somaliland iyo maamul goboleedka Majeerteeniya oo uu sheegay inay mudooyinkan xidhiidh is kaashi oo isa soo tarayaa ka dhex muuqday.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *