Hargeysa(ANN) Xukuumadda Somaliland ayaa daboolka ka qaaday inay go’aansatay in Diyaaradda  lagu qabtay Maddaarka Hargeysa 10 Dec, 2010,  loo gudbiyo kiiskeeda xeer Ilaallinta guud ee qaranka si dacwad loogu  oogo Diyaaradda iyo dadkii saarnaa, “Diyaaradda waxa lagu oogayaa saddex

dacwadood oo ah, inay soo gashay hawadda Somaliland,  iyadoo aan haysan wax sharci ah, iyadoo siday hub iyo saannad milateri oo mamnuuc ah, iyo denbiga saddexaad oo ah laba Nin oo u dhashay South Africa oo sheegtay inay yihiin suxufiyiin, kuwaas oo baadhistoodii socoto. Sidaa waxa yidhi, wasiirka Duulista Hawadda Somaliland Maxamuud  Xaashi Cabdi.
Wasiirku wuxuu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay Idaacada VOA, wuxuuna  xaqiiyay  in gudiddii loo saaray baadhista Diyaaradda ay hadda u gudbiyeen kiiska Diyaaradda Xeer ilaalliyaha guud ee Somaliland, isagoo yidhi, “Xeer ilaalliyaha guud ayaa gacanta ku haya dacwaddaa,  iyaguna xaqbay u leeyihiin inay is difaacaan.”  Sidoo kale wuxuu sheegay inay wefdi ka socday guddida qaramada midoobay u qaabilsan cunaqabataynta hubka Somalia yimaadeen maalmihii lasoo dhaafay Somaliland, kuwaas oo ujeedadoodu  ahayd inay wax ka ogaadaan Diyaaradda iyo arrimaha loo haysto.

Diyaaradda oo laga leeyahay South Africa oo 10 Dec, 2010 lagu qabtay Maddaarka Hargeysa. Kadib markii ay soo fadhiisatay iyadoo ay duuliyaayashu ku doodeen inay u baahan yihiin shidaal, balse markii dareen shaki leh oo  ka dhashay sababay in baadhis lagu sameeyo Diyaaradda, iyadoo ay soo baxeen inay sido hub iyo saanad Milateri oo loo waday dhinaca maamulka Puntland, halkaas oo shirkad shisheeye ahi tababar ciidan cusub iyo qalabayn ay ku baxayaan malaayiin dollar ka wado, taas oo shaki iyo walaac ku abuurtay dawladaha waaweyn ee caallamka iyo dawladaha gobolkaba. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *