Hargeysa (ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud ayaa la fillayaa inuu safar ugu baxo dalka Maraykanaka maalamaha soo socda. Sidaana waxa sheegay warar laga soo xigtay ku-xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda ee Ammuuraha Africa u qaabilsan

 

Maraykanaka, Ambassador Donald Yamamoto.
Haseyeeshee Wasiirka Arrimaha debeda Somaliland oo aanu kula xidhiidhnay khadka isgaadhsiinta si aanu wax uga weydiino safarka Madaxweynaha iyo ujeedadiisa ayaa ka gaabsaday inuu jawaab ka bixiyo wararka sheegaya safarka Madaxweynaha Somaliland, balse xoggaha la xidhiidha safarka Madaxweyne Siilaanyo ee Maraykanka ayaa sheegaya inay Dawladda Maraykanku sidoo kale casuumad u fidisay Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ee Somalia Mr. C/raxmaan Farroolle, iyadoo ay wararka laga soo xigtay Dublamaasigaa sheegayaan inay labada masuul Washington tegayaan todobaadka soo socda, isla markaana ay dawladda Washington kala hadli doonto xaalladda amaanka iyo sidii ay labada dhinac ee Somaliland maamulka Puntland u wada shaqayn lahaayeen.

Casuumadda dawladda Maraykanku u fidisay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo Iyo Madaxweynaha Maamul gobolleedka Puntland ayaa kusoo beegantay, maalmo yar ka dib markii   uu Ku-xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda ee Ammuuraha Africa u qaabilsan maraykanka, Ambassador Donald Yamamoto uu kulamo la yeeshay soomaalida ku dhaqan Maraykanka qaarkood, isagoo kulamadaa ka dib  wareysi uu siiyay idaacadda VOA kaga hadlay siyaasadda Maraykanka ee ku waajahan  Somalia iyo waliba kullamo uu la qaatay qaar ka tirsan jaalliyada Soomaalida ee Maraykanka.
Mr Yamamoto, wuxuu waraysigaa ku sheegay in siyaasadda Maraykanku ay tahay taageeridda dowladda KMG iyo sidoo kale in wadatashiyo lala sameeyo qabaa’illada Soomaalida si xal kama danbeys ah loo gaadho, laakiin wuxuu hoosta ka xariiqay in marka uu dhamaado waqtiga DKMG bisha August ee 2011 Soomaalida looga fadhiyo sidii ay ula iman lahaayeen barnaamijyo lagu dhamaynayo collaadda Somalia, Maraykankuna u diyaar u yahay inuu arrimahaasi Soomaalida ka taageerro.
Dawladda Maraykanaka ayaa hore u sheegtay inay Xukuumadda Somaliland si gaara ulla macaamilayaan, iyagoo sidoo kallena sheegay inay maamulka gobolka Puntland iyagana si gaara ulla macaamilayaan.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *