Hargeysa(ANN) Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa ku wargelisay Tafaftiraha shebekadda wararka ee Araweelonews in la mudeeyay dacwad ka dhan ah oo ay ku waddo Shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom oo xarunteedu tahay magaallada Hargeysa. Kadib markii ay ka cadhootay war lagu

 baahiyay shebekadda 10 Nov, 2010, kaas oo ku saabsanaa khal khal ku yimi Adeega Zaad ee ay isticmaalaan qaar baddan oo ka mid ah Bulshada Somaliland.
Garsooraha gacanta ku haya dacwada ayaa u sheegay Tafaftiraha shebekadda Araweelonews inuu jiro Arji dacwadeed cusub oo uu ku saxeexan yahay qareenka u doodaya shirkadda Telesom, kaas oo uu ku sheegay inuu sixid ku sameeyay arji dacwadeedkii hore ee uu Maxkamadda usoo gudbiyay qareenka Telesom oo uu ka jawaabay tafaftiraha shebekadda wararka ee Aarweelonews Carraale M. Jaamac. Sidaa awgeed Garsoore Cali ayaa ku wargeliyay Tafaftiraha Araweelonews  in kiiska loo mudeeyay Sabtida todobaadka danbe  25 Dec 2010, oo ay dacwadu ka billaabmayso maxkamadda gobolka Hargeysa. 
Arjiga uu Ninka sheegtay inuu yahay qareenka shirkadda Telesom mar labaad usoo gudbiyay Maxkamadda ee uu ujeedadiisa ku sheegay dib u sixid Araji dacwadeed ayaa ka danbeeyay. Kadib markii arji dacwadeedkii hore ee uu maxkamadda u gudbiyay oo uu ka jawaabay Tafaftiraha shebekadda araweelonews noqday mid xanbaarsanaa eedaymo aan waxba ka jirin oo majara habawsan, isla markaana aanay  waxba ka duwanayn eedaha aan waxba ka jirin ee mar labaad lagu soo qoray arjiga dacwadaa, balse ujeedadoodu tahay oo keliya cabsi gelin la doonayo in lagu sameeyo shebekadda, iyadoo la isticmaalayo dhaqaalle baddan iyo aduun, taas oo la doonayo in lagu dabro saxaafadda  oo xaq u leh inay baahiso dhacdooyinka iyo wararka ay waajibka tahay inay helaan bulshadu, iyadoo aanay ujeedadu ahayn in cid lagu xumeeyo.
Laakiin ay tahay waajibka iyo mihnada saxaafada in bulshadda looga digo wixii kahatar ah ee ka iman kara adeegyada ay bulshadda u qabtaan iyo in la iftiimiyo dhacdooyinka iyo mushkiladdaha ka dhasha adeegyadaa, iyadoo la xusuusan yahay in kumanaan qof oo Somaliland ah mushkilad dhaqaalle soo waajahday. Kadib markii qorshe loogu magac daray Jiif oo Jaq lagaga urursaday malaayiin dollar, balse ugu danbayntii la waayay meel loo raaco, taas oo la rumaysan yahay in haddii saxaafadu soo bandhigi lahayd ka samata bixin lahayd Bulshada kahaasaraha dhaqaalle ee laga dhaxlay mashruucaa.
Si kastaba ha haatee dacwada noocan ah iyo eedaymaha la doonayo in lagu hor istaago xoriyada saxaafadda, iyadoo la adeegsanayo dhaqaalle maaha kuwo wadada ka leexinaya inay shebekadda wararka ee Araweelonews usoo gudbiso Bulshadda dhacdooyinka iyo wararka ay u baahan yihiin, taas oo ah waajib dastuuri ah.
 
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *