Hargeysa (ANN) Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in Shirkii gollaha wasiiradda  laga soo saaray go,aan si cad u qeexaya in shaqaalaha iyo ciidamadda qaranka oo hore xukuumaddu ugu kordhisay mushaharooyinka . Kadib markii Madaxweyne Siilaanyo dhowaan ka dhawaajiyay in loo

labanlaabay oo laga dhigay kordhin 100%  mushaharka  shaqaalaha dawladda iyo ciidamdda qaranka sannadka 2011, lagu bilaabayo kordhintaa  bisha January ee sannadkan 2011.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay maanta oo Khamiis ah gelinkii danbe shirkii gollaha waiiradda ee ka dhacay qasriga madaxtooyadda Somaliland, kaas oo uu guddoominayay Madaxweyne Siilaanyo.
Qoraalka ayaa ka danbeeyay. Kadib markii Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi oo golaha wasiiradda u gudbiyay mala awaalka  Miisaaniyad sannadeedka 2011, uu sheegay in mudada ay ku jirto golaha wakiiladda iyo golaha wasiiradda lagu sii dhaqmi doono miisaaniyad sannadeedkii xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale, balse soo jeedinta Wasiirka Maaliyadda  loo fasiray inay xukuumaddu ka laabatay balanqaadkii mushar kordhinta ee shaqaalaha iyo ciidamdda qaranka.
War saxaafadeedka lagu xusay go,aanka maanta kasoo baxay shirkii golaha wasiiradda oo uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka Madaxtooyadda C/llaahi Daahir Cukuse, ayaa u qornaa sidan;- “Fadhigii maanta oo ay Bishu Tahay 27/01/2011 ee Golaha Wasiirada oo Ka Qabsoomay Qasriga Maxadtooyada JSLGudoominaayeyna Madaxweyanha JSL   Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo Waxa lagu Go’aamiyey in Korordhsiimada Mushaharka Shaqaalaha  iyo Ciidamada uu ka Bilaamayo Bisha January ee Sannadka  2011 , Korodhsiimo iyo Bixinba.

Waxaanu Go’aanka Goluhu Amrayaa in hay’adaha Ku shaqada leh Go’aankan Fulintiisu ay sidiisa ugu Dhaqmaan.” ayaa lagu yidhi qoraalka madaxtooyadda kasoo baxay.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *