-
Published On: Thu, Jan 27th, 2011

“Somliland Way Noolaan Kartaa Sida Taiwan, Citiraaf Yeelkeede Anagu Nabaddaanu Samaysanay, Ninka Dagaalamayaa Ha Dagaalamo,” Professor Ibraahim Maygaag Samatar

Smiley face
Share This
Tags

Hargeysa(ANN) Mujaahid Ibraahim Maygaag Samatar oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii hogaaminayey ururkii Xaq u dirirka SNM ee dalka ka horeeyey taliskii Dhiigyo cabka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre oo xukunka laga tuuray 26-kii January 1991-kii oo ku beegnayd maalintii shalay. Professor Ibraahim Maygaag

Samatar oo sannadii u danbeeyay  wax ka dhiga Jaamacaddaha dalka Japan ayaa sheegay in xalka Somalia uu ku jiro Somaliland oo ay u ogolaadaan inay dib ula soo noqoto Dawladnimadeedii ay ula tagtay 1960-kii, waxaanu intaa ku daray haddii ay taasi diidaan Kooxaha iyo Dawladda Taagta daran ee Somalia in Somaliland ictiraaf la’aan ay noolaan karto, sida dalka Taiwan-ba u noolyahay, isla markaana ay dib u dhisteen magaalooyinkii uu burburiyey Taliskii Siyaad Barre.
Sidoo kalena waxa uu sheegay inay Aftida koonfurta Suudan Fursad u tahay Somaliland, isla markaana ay Somaliland ka dhursugayso sida ay ula dhaqmaan Midawga Afrika.

Professor Maygaag waxa sidaa ku sheegay Waraysi uu Siiyey Idaacada BBC-da Qaybta Afka Soomaaliga , taas oo xusaysay 20 guuradii ka soo wareegtay xilidhii uu burburay Taliskii Afweyne ee xooga Milatari ku qabsaday Dalkii la isku odhan jiray Somalia 1969-kii. Oo ku beegnayd shalay.

Waxaana ugu  horayn prof.  Maygaag Samatar la weydiiyay Su’aal la xidhiidha, Labaatan sano ka dib dawladd la’aanta Somalia ka jirta maxaa laga faa’iiday, waxaanu, isagoo arrintaa ka hadlaya  yidhi,  “Horta khasaare iyo faa’iido-ba way iska jiraan, aayatiinka dambeeto ayuun baa la qiyaasayaa, aayatiinka dabadeeto  khasaare ayaa laga qaaday, sanadihii hore dawladdii Somalia way fiicnayd, aynu dib ugu noqono Taariikhda waxa kacaankii Milatariga loogu sacabiyey dadkeenii baa ka qancay dawladnimadii markaasay moodeen in haddii Eebe idmo inay iman doonaan kala dambayn iyo horumar iyo wax waliba, laba khasaarena waa laga qaaday, xornimadiina waa la waayey, waagaa hore dawladihii hore ma jirin qof kaliya oo siyaasad u xidhnaa, tii dambena (dawladii Siyaad Barre) waa tii la ogaa inta la dilayay, inta la xidhayay, hadaba hadaynu dib ugu yara noqono sanadahaa hore may xumayn oo waxoogaa talaabooyin wanaagsana way qaaday dawladdu ha noqoto iskaa wax u qabsadii ama dadkii oo la kiciyo, laakiin markii dambe way isku dhalaashay, waanay isku xaartay”.

S: Labaatan sano ayaa ka soo wareegtay Siyaad Barre markii dalka laga saaray ama dawladdii uu madaxda u ahaa ay duntay, kadib maxaa khasaare ama faa’iido laga Gaadhay?
J: Walaahi faa’iidadu xaga Somaliland uun bay jirtaa, Somaliland uun baa dagtay nabad samaysay, dhaqaalaheedii dhistay, magaalooyinkeedii burburay dib u hagaajisay, doorashooyin qabatay xoriyad samaysay, iyadoon ciddina ictiraafin ciddina caawin laakiin xagii kale ee Somalia waynagaa arkayna waxa ka dhacaya waxba lagama faa’iidin, way kasii dartay.

S: Haddii la isku soo duubo labatankaa sanno maxaa lagu qiimayn karaa?

J: Waxaad kasoo qaadaa waxan dadkuba yidhaahdaan dawladd khasaartay (Failed State).
S: Mastaqbalka hadaad eegtana maxaad isleedahay madaama Somalia qaran burburay ay tahay Somaliland oo nabadaa iyo doorashadaa samaysay aanay Ictiraaf Caalamiya haysan iyo madaxbanaani buuxda, maxaad isleedahay mustaqbalka?

J: Anigu waxaan isleeyahay, horta waa marka hore dadka Somalia koonfurtii hore weeyee inay ogolaadaan xaqa Somaliland inay dawladdeedii dib usoo ceshato, talo markaa iyagu waa dad Soomaaliyeed’e ay saaxiibaan, Somaliland-na waxbay ka qaban kartaa markaa intii tamarteeda, imika se mushkiladii way sii adkaatay, markaa waxa loo baahan yahay, in Somalia laga sameeyo nabadayn sida kaliya ee Somaliland wax uga qaban kartaana waxa weeye horta ilaa kooxaha ka jira Somalia ay Somaliland ogolaadaan dawladnmadeeda markaa isku mid baynu nahay wax baynu ka qaban karnaa.

S: Labada dhinac tee baad hormarinaysaa, waa dhab inay is caawin karaan, ma waxaad hormarinaysaa Somalia oo aan xasilooni ka jirin, kooxahaad tidhi afka marin mayno, dawlada iyo Puntland iyo kooxo kale intuba isku tagaan oo iyagii baa heshiin la’a ama diriraya ama siyaasada isku haysta, inay iyagu aqoonsadaan Somaliland ee ka dib Somaliland iyaga heshisiiso mise waxaad hormarinaysaa ay marka hore siddii dawladnimadu kusoo noqon lahayd ka shaqayso oo markaa shuruudeedu ay taa tahay ama ay danteeda wadato?

J: Waxaan ahay nin toban sanadood halgankii SNM Ku soo jiray waan ku xiiqay, shardiga kaliya ee Somaliland wax uga qaban kartaana waxa weeye, waa inay marka hore Somalia ogolaataa inay Somaliland gobanimadeedii inay la soo noqotay oo markaana ay tidhaahdaa walaalayaal wax nala qabta, wax kale oo banaani iima muuqato.
S: Sida Itoobiya iyo Eritrea oo kale marka aad eegto siday ku xaliyeen arrintooda suuro-gal kama aha miyaad leedahay Soomaalida?
J: Waxaanay suuro gal uga ahayn Itoobiya geesna waxa ka jiray xarakad dhisan oo guulaysatay, geesna dawladd dhisan oo wada hadlay, Somaliland ayay la hadashaa imika ma Shabaab bay la hadlaysaa ma Xasan Daahir Aweys ma Shariif bay la hadashaa yay la hashaa?
S: Markaa waa-ayo cidda aqoonsanaysaa ee aad ka doonayso inay aqoonsato?,
J: Kooxahaasi Somalia mid walba waa inay mabada’eeda gooni u cadaysataa oo ay sheegtaa inta aanay sheegin Somaliland siday wax u qabataa way adagtahay, waanu jecelnahay inaanu wax la samayno aad iyo aad.

S: Ilaa hada labaatan sanno ayay maraysaa koonfurtu lagama helin mawqifkaas markaa haddii ay dhacdo inay ku soo dhici waayaan toobiyahaas hada aad weydinayso, maxay kula tahay inay noqon karaan?

J: Dee waxay noqon kartaa Somalilandba way iska noolaan kartaa Taiwan-ba way nooshahay, dhaqaalaheeda way dhisan karaa wadankayagana waan dhisan karaa, aduunkuna wuu noo iman karaa, yeelkadeeda Ictiraafka ninkii daalayaa ha daalo, kii dagaalamayaa ha dagaalamo anagu nabad baanu samaynaynaa dalkayagana waanu dhisaynaa kuwaana (Somalia) wanaag baanu la doonaynaa.

S: Somaliland hadaad eegto Ictiraafku muxuu kala maqan yahay baad isleedahay, maxaa ugu weyn baad isleedahay hadaad u fasirto dadka?

J: Laba saddex arrimood, waa ta hore’e dawladaha waaweyni waxay leeyihiin horta Africa ha idin ogolaato, taa waynu wada ognahay Afrikina waxay leedahay xuduudkii isticmaarkii la badali maayo, Somalilandna waxay leedahay anagaaba xuduudkii isticmaarka ku taagan, ta kalena waxa weeye bal horta idinku haddii aad Soamaali tihiin dhinac wax isla dhiga siddii Eritrea iyo Itoobiya, waa taynu hore u sheegnay hadaba mushkiladu waxa weeye Eritrea-na waxa jirtay Xarakad dhisan Itoobiyana dawladd dhisan imika cid Xamar dhisan oo lagala hadlaa arrimhaas, iyadoo mid waliba mawqifkooda gooni u sheegta mooyaane dee ma taalo, markaa arrin culus weeye, anaguna waanu iska noolaan karaa intaa, waxaan filaynaa aduunkuna intuu iska daalo ayuu iska kaaya ogolaan doono markay tan Sudan dhamaato ayaynu rajaynayaa inuu maqwqifku isbedelo, Midawga Africa waa kii u soo diray guddi Hargeysa  sannado ka hor, waxay yidhaahdeen xaq bay u leeyihiin, laakiin dawladihii baa wali waabanaya  hada haday koonfurta Suudaan ogolaadaan anagana fursad ayay noo tahay.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>