Hargeysa (ANN) Mala awaalka Odorska miisaaniyadda 2011 ee Xukuumadda Somaliland ayaa maanta lagaga dooday  Shirkii gollaha wasiiradda, kaas oo laga soo saaray go,aan si cad u qeexaya kordhinta mushaharooyinka shaqaallaha iyo ciidamadda qarabka.  nuqul ka mid ah Odoroska miisaaniyaddaa

 

oo maanta lagu baahiyay Wargeyska Jamhuuriya ee kasoo baxa maalin kasta magaaladda Hargeysa  ayaa lagu soo  bandhigay  xogo faahfaahsan oo uu ka helay odoroska miisaaniyadda 1aad ee xukuumadda xisbiga KULMIYE diyaarisay, taas oo ay ka muuqdaan kala duwanaansho aad u weyn oo u dhexeeya kuwii sannadkii hore ee xukuumaddii Rayaale.

iyadoo Odoraska Miisaaniyad-sannadeedkan cusub oo Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi horgeeyey golaha Wasiirrada Axaddii toddobaadkan geeyay oo maanta shirkii gollaha wasiiraddu ka doodeen dhan tahay 451,584,183,721 Bilyan oo shillinka Somaliland ah, una dhiganta 73.3 Milyan oo doollarka Maraykanka ah, taas oo marka la barbardhigo tii sannadkii hore uu ka muuqdo koradh baaxad leh oo dhan 35.3 milyan doollar, iyadoo aanay jirin wax cashuuro ah oo la kordhiyey.

Miisaaniyad-sannadeedka 2011 ee ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyaddu oo si weyn uga duwan tii sannadkii hore, marka loo eego waqtiga lagu diyaariyey oo ku beegan bilowga sannadkan, halka kuwii hore dib uga dhici jireen, farqiga korodhka u dhexeeya iyo weliba mashaariicda xoogga lagu saaray, waxa caddadkeedu dhan yahay 451,584,183,721 bilyan oo shillinka Somaliland ah, taas loo kala qaybqaybiyey waaxyaha:

F. Kharashka Dhismayaasha Cusub                             SH: 3,351,000,000
G. Kalmaha Guud                                                                             SH: 4,604,327,200

Kala Soocidda Qaybaha Kharashka oo Waaxaysan

Waxa kale oo aan halkan ku soo muujiyey qaybaha uu ka kooban yahay dhismaha miisaniyadda oo waaxaysan waa sidan:

Waaxda Miis. 2011
Saami

1
Arrimaha Amniga
217,619,263,214
48.19%

2
Arrimaha Dhaqaalaha
76,061,434,388
16.84%

2
Arrimaha Dhaqanka iyo Diinta
20,877,400,030
4.62%

4
Arrimaha Bulshada
63,335,865,867
14.03%

5
Arrimaha Maamul Wanaaga
73,690,230,273
16.32%

TOTAL 451,584,193,772
100.00%

Xogaha ugu muhiimsan ee Jamhuuriya ka soo minguuriyey ee ku suntan buuggan miisaaniyad-sannadeedka 2011, waxa ka mid ah farqiga korodh ee u dhexeeya miisaaniyaddii kal hore, mashaariicda horumarineed ee ka muuqda, meelaha ugu waaweyn ee dakhliga laga filayo iyo weliba meelaha ugu waaweyn ee dakhliga laga filayo iyo weliba nuxurka xeerar cusub oo ku lammaan miisaaniyaddan.

Haddaba, korodhka kharashka miisaaniyadda iyo mashaariicda kala duwan ee loo kala qaybqaybiyey, waxay u dhigan yihiin sidan:

Korodhka Kharashka Miisaniyadda
Xoog-saaridda miisaaniyadda oo ku salaysan qaab kodhinta (Incensement budget), waxa korodhkeedu yahay:

Kordhinta mushaharadda shaqaalaha, ciidammada iyo labada gole
Kharashka mashaariicda iyo hanti iibsiga waaweyn oo isku dhan Sh 26,720,259,916, lacagtan oo loogu talogalay:
Mashruuca tijaabada beeraha ee Abuurin iyo Tog-wajaale
Qaboojiyaha kalluunka ee Berbera
Kor-u-qaadidda tayada cusbitaalka Hargeysa
Iibsiga qalabka kantaroolka mawjadaha isgaadhsiinta
Iibsiga idaacad weyn oo gaadha dalka iyo dibaddaba
Ka shaqaynta arrimaha diinta islaamka
Iibsiga laababka lagu kantaroolayo tayada dhuuniga iyo dawada
Dhismayaal iyo gaadiid badan.
Farqi korodhka ee u dhexeeya miisaaniyadda 1aad ee Maxamed Xaashi iyo tii ugu badnayd ee Cawil ka tegay.

Miisaaniyad-sannadeedkii 2010 ee u dambaysay ee Wasiirkii Maaliyadda ee hore Xuseen Cali Ducaale (Cawil) diyaariyey waxay dhammayd 310, 259, 111, 704 bilyan oo shillinka Somaliland ah. Waxaanna odoraskii miisaaniyaddaasi ka soo xerooday oo kelya lacag dhan 266 bilyan, waxa dayn noqda oo aan soo xeroon 44,259, 111, 704 bilyan.

Haseyeeshee, miisaaniyad-sannadeedka 2011 ee uu soo diyaariyey Wasiirka Maaliyadda ee hadda Maxamed Xaashi Cilmi waxay dhan tahay 451,584,183,721 Bilyan oo shillinka Somaliland ah, taas oo u dhiganta 73.3 Milyan oo doollarka Maraykanka ah.

Haddaba, sida ka muuqata farqi wayn ayaa u dhexeeya labada miisaaniyaddood ee 2010 iyo 2011, waxaanay miisaaniyadda Wasiir Xaashi ka badan tahay tii Wasiir Cawil lacag dhan 45.55, iyadoo korodhka u dhexeeya labada miisaaniyood yahay 35.3 Milyan doollar.

Korodhkaas baaxadda leh ee miisaaniyad-sannadeedkan waxa uu yimi iyadoo aanay jirin haba yaraatee wax cashuur dawladeed ah oo la kordhiyey, hase ahaatee waxa arrintan loo aanaynayaa habka nidaamka ee loo maareeyey dakhliga dalka oo hore meelo kala duwan ugu filiqsanaa, balse hadda lagu soo koobay khasnadda Wasaaradda Maaliyadda oo wax wayn ka beddeshay nidaamka dakhli ururinta iyo ilaalintiisa.

Sida ilo xogogaal ahi Jamhuuriya u xaqiijiyeen odoraska miisaaniyadda waxa Wasaaradda Maaliyaddu ugu talogashay inay ka soo baxdo shirkadaha ganacsiga iyo tijaarta waaweyn oo cashuurta ku waajibtay aanay hore uga soo wada xeroon jirin, isla markaana lacagta ay bixiyaan ahayd mid aad u hoosaysa marka la barbardhigo cashuuraha kale, tusaale ahaan, cashuurta tooska ah ee Wasaaradda Maaliyaddu qaado ee madax-xigeenka (sub head) 1.3.2 cashuurta laga qaado shaqaalaha dawladdu (public payroll) marka loo eego cashuurta toosan waxay ka tahay 55.47%, halka cashuurta macaashal-macaashka (profit income tax) ee madax-xigeenka 1.3.3 ee laga qaado ganacsatada ay cashuurta toosan ka tahay 26.45%.

Halkaas waxa laga garan karaa in cashuurta laga jaro mushaharka yar ee shaqaalaha dawladdu ka dakhli badan tahay cashuurta macaashal-macaashka guud ahaan dalka laga qaado iyo maalqabeennada. Haseyeeshee, sida la sheegay Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxa u qorshaysan sidii ay arrintan wax-uga qaban lahayd iyadoo si gaar ah indhaha ugu haysa inay xoogga saarto sidii ay u soo xeroon lahayd cashuurta ku waajibtay ganacsatada iyo shirkadaha.

Dhinaca kale, waxa kale oo Wasaaradda Maaliyaddu diyaarisay shuruuc la xidhiidha Miisaaniyadda oo aan hore u jiri jirin oo la socda miisaaniyadda si loo ansixiyo, kuwaas oo ay ka mid yihiin xeerarkani:

Shuruucda Wasaaradda Maaliyaddu samaysay:

Budget Act- Xeerka Maaliyadda: Somali and English Versions
Procurement Act- Xeerka Qandaraasyada- Somali and English Versions
Public Finance Management and Accountability Act- Xeerka La-xisaabtanka Hantida Qaranka: Somali and English Verstions
Revenue Act- Xeerka Dakhliga- Somali and English Versions.
Cidda samaysay
Khubarada Wasaaradda Maaliyadda
Khubaro Bangiga Adduunka (World Bank Consultants)
Khubaro Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF Consultants)
Sharciyaqaano caalami ah (International lawyers)
Sharciyaqaanno dalka gudihisa ah (Local Lawyers)
Xataa waxa shuruucdan lagu sameeyey oo lagu eegay dastuurka dalka (Constitutional Compliance).
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *