Hargeysa(Araweelo News  Network)Wasiirka wasaaradda Warfaafinta  Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad), ayaa wax laga xumaado  iyo gef ku tilmaamay kulan

uu Gudoomiyaha Xisbiga Mucaraadka UCID habeenkii Sabtidii uu magaaladda Birmingham ee xarunta labaad ee Britain  kula yeeshay Madaxweynaha  dawlada  Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirkiisa Arrimaha dibadda.

 

Talaabadaa ayuu Wasiirku  ku tilmaamay inay ahayd  mid uu Guddoomiyaha UCID  ugu  cadeeyay  Ummada Somaliland  inuu u socdo Soomaaliya.  Sidoo kale ay iftiimisay in Guddoomiyaha UCID uu xidhiidh iyo gacan saar la lahaa Soomaaliya illaa cahdigii maxkamadihii islaamiga ahaa haysteen Koonfurta Soomaaliya.

Mr. Abiib Diiriye  waxa uu sidaa  ku sheegay  mar uu maanta shir jaraa’id oo uu arrintaa kaga hadlayo xukuumad ahaan  ku qabtay xafiiskiisa, isagoo yidhi,  “Sidaad la socotaan website-yadda waxaad ku arkayseen Faysal Cali Waraabe oo la cashaynayay madaxwaynaha Soomaaliya iyo Wasiirkiisa khaarajiga runtii arrintaasi layaab ayay Somaliland ku noqotay shacab iyo xukuumadba, mahadho ayay noqotay oo dadkii jahwareer ayay ku riday , waayo Faysal ma aha nin caadi ah waa gudoomiyihii xisbiga mucaaridka ee UCID waxa uu ka mid ahaa ergadii madaxaweynaha u raacday Turkiga ee wadahadalada aanu Soomaaliya la galaynay ayuu ka mid ahaa.”

“Markaa dadkii isagoo taa og waxa wax lala yaabay noqotay inuu hadana halkan ka fudkudiyay, go’aan baa la soo wada qaatay shirkii London waynu diidnay inaynu ka qayb galno sababtuna waxay ahayd madaxaweynaha Soomaaliya ayaa shir gudoominayay go’aan baa la soo qaatay, Faysal go’ankaa wuu la soo qaatay ka mid buu ahaa cida go’aankaa qaadatey. »

Wasiirka Warfaafinta oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi ‘Dadku arrintaas qof sida uu doono ayuu u turjumanayay qaar Faysal ku tilmaamayay khaa’inul waddan laakuin, anagu odhan mayno, waxaan leenahay Faysal maadaama uu gudidaas ka mid ahaa maadaama aanu (mandate) u haysan, waxa xilka umaddu saaran yahay oo (mandate) haysta madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inuu albaab walba oo danta qaranku ku jirto garaaco oo waliba waxaynu ognahay marka arrimahan oo kale uu kala tashado golayaasha qaranka”.

“Faysal gudoomiyihii xisbi mucaacida ah inuu halka tago oo uu hor fadhiisto raggii aynu is haynay ee aynu diidanayn, arrintaasi la yaab bay ku noqotay,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray “Faysal wad kawar-haysaan in badan ayay afkiisa ka soo baxaday shir qaran hala qabto, waxaan leenahay waxa uu u ham iyo dig lahaa halkan (Soomaaliya) ayay ahayd, waxa igu maqaalo ah jaraa’idka oo qaarkood arrintaa wax ka waydiiyeen inuu dafiray arrintaasina arrin la dafiri karo ma aha.”

“Faysal ninkii ugu fogaa ayuu ahaa dawlada Somaliya ayaanu odhan jirnee isagu waxa uu odhan jiray walawayn, waxa maanta isbedalay iyo halka Faysal tagay iyo sida uu yahay jawaabteeda dadka ayaa ka jawaabi doona, baroortu orgiga ka weyn,”ayuu yidhi Md. Abiib Diiriye.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu ku dooday in Guddoomiyaha UCID u socdo dhinaca Soomaaliya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Anigu waxaan aaminsan nahay in Faysal xagaa (Soomaaliya) uu u socdo. Dadkuna way ogaadeen, dadka isagaa qaranimada dalka leh anagu (xukuumada) adeegayaal ayaanu u nahay in shacabku ka hadlo oo uu soo jeedo oo shacabku ka u xiiraya iyo ka hool-hoolaya kala ogaado waa lagama maarmaan”

“Markii Turkiga la tagay ayay Faysal nin isa salaameen markaas ayuu ninkii ku yidhi ma igaranaysaa ?, markaas ayuu Faysal yidhi maya. Ninkiina wuxuu ku yidhi waxaan ahay ninkii Sh. Shariif idin xidhiidhin jiray ee aad la soo hadli jirtay ee idiin dhaxeyn jiray, markaa Faysal waligii daahir kamuu ahayn Soomaaliya oo illaa maxaakiimtii ayuu xidhiidh la lahaa taas ayaaba marag ma doon ah runtii,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Dhinaca kale Gudoomiyaha UCID, Faysal ayaa jawaabo is khilaafsan ka bixiyay canbaaraynta xukuumadda Somaliland ku canbaaraysay kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Somalia iyo wasiirkiisa Arrimaha Debeda,  isagoo aan wax maandheyt ah ka haysan, balse wuxuu ku tilmaamay inuu kulanku ahaa salaam, isla markaana aanay jirin wax u diidaya inuu la kulmo si shaqsi ah Madaxweynaha Somalia iyo madaxda kale ee dawlada Federaalka.

“Xaflad ayaan ku lahayn Taageerayaashayada meesha xafladoodu ka dhacday , waxaana ugu tegey Salaan,  mana ahayn arrin siyaasadeed ayuu yidhi Faysal oo Idaacada BBC  kaga jawaabaya eedaynta xukuumadda Somaliland ee kulankaa la xidhiidha.

Balse waraysi kale oo Gudoomiyaha UCID siiyay isla caawa Idaacada VOA ayuu ku tilmaamay arrintaa inuu xaq u lahaa inuu la kulmo Madaxda Somalia oo sida uu sheegay uu hore ula kulmay xiligii Madaxweyne Shariif iyo Madaxweynaha dawlada Federaalka Somalia ee hada oo ay London ku kulmeen, sidaa awgeed uu yahay Gudoomiye Xisbi oo siyaasadiisa wata, isla markaana doonaya inuu xidhiidh la yeesho Somalia.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *