Abalmarinta  kaliyayaasha araweelonewsHargeysa(Araweelo News Network)   Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa shaqada ka eryey 8 qof oo shaqaale ka ahaa Maxkamaddaha

Gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa,  isla markana waxa digniino la siiyay ku dhowaad tobaneeyo shaqaale  ah, iyadoo  10 qof  oo ka mid ah shaqaalaha la gudoonsiiyay Abaalmarino ay ku mutaysteen waajibaadkooda shaqo oo ay guteen.

 

DSCF1935
Kulan Maanta ka dhacay Hoolka shirarka ee Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex oo ujeedadiisu ahayd in lagu kala saaro shaqaalaha hawlwadeenada Maxkamaddaha Hoose ee Hargeysa, waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid,  Guddomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa C/rashiid Maxamed Maxamuud ( Duraan) iyo Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa Faysal C/llaahi Ismaaciil.

Sidoo kale shaqaalaha ka hawlgala Maxkamaddaha Hoose ee Gobolka Maroodi-jeex  ee Kaaliyayaashu kasoo xaadireen.

Kulankaa oo ujeedadiisu ahayd in lagu kala saaro shaqaalaha oo la hordhigo natiijada qiimayn lagu sameeyay dhowaan  sidaana waxa hadalkiisa ku bilaabay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka  Maroodi-jeex ee Hargeysa  Garsoore Faysal  C/llaahi Ismaaciil  (Faysal Dhaga-Dhago) , ayaa  shaqaalaha digniinaha la siiyay u rajeeyay in haddii ay dedaalaan la siin doono iyagana abaalmarin, haddii ay dedaali waayana ay mari doonaan wadadii ay mareen saxiibadood kuwa shaqada laga eryay.

abaalmarinta max
Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka C/rashiid Maxamed Maxamuud ( C/rashiid Duraan), oo hadal kooban ka jeediyay halkaa  ayaa sheegay in hawshani ahayd in la kala saaro shaqaalaha, isla markaana  kuwa dadaalaya dhiiri galin la siiyo, kuwa aan shaqada sida tooska ah u gudana digniin la siiyo, kuwa la eryeyna ay ku cimra qaataan, wuxuuna Garsoore Duraan  u mahad naqay shaqaalaha Maxkamaddaha Hoose, kuwaas oo uu dhiirigaliyey inay hawlohooda halkaa ka sii wadaan oo sii kordhiyaan dedaalka ay abaalmarinta ku mutaysteen.

Geba-gebadii Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, ayaa ku booriyay shaqaalaha hawlwadeenada Kaaliyayaasha ka hawlagala Maxkamaddaha Hoose ee Gobolka Maroodi-jeex inay ilaashadaan shaqadooda oo mar walba sidaa loo qiimayn doono, isagoo xusay   in ay ka werhayaan wasaarad ahaan  oo loo soo gudbiyo wixii dembi ah ee uu qofka shaqaalaha ahi sameeyo. Sidaa awgeed ay digtoonaadaan , wuxuuna Wasiir Caydiid u sheegay shaqaalaha  digniinta la siiyay in ay tahay tii ugu dembsay.

DSCF1932
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid ayaa gudoonsiiyay 10 ka mid ah shaqaalaha Maxkamaddaha Hoose ee Maroodi-jeex Abaaalmarintaa oo ahayd shahaado sharaf ay ku mutaysteen gudashada waajibaadkooda shaqo.

Magacyada Kaaliyayaasha la siiyay Abaalmarinta

1-    Maxamed Maxamuud Xirsi   Kaaliyaha Sare ee Maxkamadda Gobolka Hargeysa Maroodi-jeex.

2-    C/llaahi Muuse Axmed   Kaaliyaha  Sare ee Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa Maroodijeex.

3-    Werda Maxamed Cilmi     Kaaliye Maxkamadda Gobolka Hargeysa Maroodijeex.

4-    Fahad  Maxamud  Haaruun        Kaaliye Maxkamadda Gobolka Hargeysa Maroodijeex.

5-    Cibaado Cilmi Sulub Kaaliye   Maxkamadda Gobolka Hargeysa Maroodijeex.

6-    Khadar Jaamac  Kiin                  Kaaliye Maxkamadda Gobolka Hargeysa Maroodijeex.

7-    Siciid  Maxamed  Ibraahim         Kaaliye  Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa Maroodi-jeex.

8-    Khadra Xasan Nuux                Kaaliye  Maxkamadda Degmada Hargeysa.

9-    Rooda Ibraahim Jaamac   Kaaliye  Maxkamadda Degmada Hargeysa.

10-    C/llaahi Axmed Xasan                  Maxkamadda Degmada Hargeysa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *