Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay  xubin mihiim ah oo mid ka mid ahaa raggii lagu eedaynayay inay abaabuleen qaraxyadii argagixiso ee caasimadda Somaliland ka dhacay 29, Oct, 2008,  kuwaas oo  lala beegsaday xarunta madaxtooyadda Somaliland,

Xafiiska Safaaradda Ethopia ee Hargeysa iyo xafiiska Ha’yada UNDP. Qaraxyadaa   oo ay ku nafwaayeen in ka badan sodon qof, isla markaana geystay khasaare naf iyo maalba ahaa.
Xubinta mihiimka ah oo magaciisa lagu sheegay  Cismaan Yuusuf Odawaa oo ka mid ah raggii baxsaday qaraxa kadib, isla markaana maxkamaddaha Somaliland xukun ku rideen, waxa qabashadiisa caddeeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland  Dr. Maxamed Cabdi Gabboose.
Wasiirku wuxuu sidaa ku sheegay  shir jaraa’id oo uu  maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlay arrimo dhawr ah oo kala duwan, wuxuuna  ku shaaciyay  inay  shalay magaalada Hargeysa ku qabteen  eedaysanahaa, isla markaana uu hadda xidhan yahay.

“Ninkan la hayaa waa nin u dhashay Hargeysa, waa nin qaraxii lala beegsaday Madaxtooyada, Safaaraddii Itoobiya iyo xafiiskii UNDP ka mid ahaa raggii magacyadooda uu soo gudbiyey Sirdoonku in la qabto, waxa uu ka mid ahaa raggii baxsaday, kadibna Xamar buu galay. Haseyeeshee, shalay ayaa laga qabtay magaalada Hargeysa,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Guduhu.
 Dr. Gaboose oo ka hadlaya sida laga yeelayo xubintaa lagu eedaynayo qaraxyadaa, wuxuu yidhi, “Ninkan  maxkamad ayaa ku dhacday, inkasta oo uu  isagu maqnaa,  laakiin raggiisii oo dhan ayaa la xukumayey, go’aankii maxkamadduhu ku xukumeen hadda way iga maqan yihiin, waxaanan filayaa inay dhakhso iigu imanayaan, waayo waxaan u diray Taliyaha Hawlgallada. Ninka la qatbay kama duwana afcaasha socota ee ciidanku hadh iyo habeen hayaan.”

Weerarada argagixiso ee ninkan loo haysto oo 29-kii October 2008-dii lala beegsaday xarunta Madaxtooyada, Safaaraddii Itoobiya iyo xafiiskii hay’adda UNDP, waxa dawladda Somaliland masuuliyadeeda dusha ka saartay kooxda mayalka adag ee Al-shabaab, waxaana loo qabtay dad badan oo xukuno kala duwan lagu xukumay iyo qaar iyagoo maqan la xukumay, balse dadkaa oo gaadhayay ilaa sideed qof oo  ahaa inta badan kuwo lagu eedaynayay inay u kireeyeen gaadiid, guryo iyo arrimo la mid ah ayaa markii danbe la sii daayay. Kadib markii xukuno lagu xukumay maxkamaddu ka jebisay.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *