Berbera(ANN) Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda iyo tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aaden ayaa maanta kormeer kedis ah oo shaqo ku tagtay xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera.

 
Marwo Samsam Cabdi Aaden waxay mudadii ay joogtay halkaa  kormeer ku tagtay Dugsiyada ka dhisan Magaalada Berbera, iyadoo ujeedada socdaalkeeda ku sheegtay  si ay ugu kuurgasho nidaamka waxbarashadu uga socoto xarunta gobolka Saaxil iyo sidii ay xog ogaal ugu noqon lahayd  Ardayda waxka barata  gobolkaa iyo si ay wax uga ogaato inay   macalimiintoodu u dadaalayaan.
 
Wasiirka Tacliinta Somaliland, waxa kormeerkaa ku  weheliyay  saraakil ka tirsan Wasaaradda waxbarashadda, isla markaana Marwo Samsam   ayaa  tan iyo markii loo magcaabay xilkaa waxa muuqatay inay dardar gelisay hawlaha dhinaca dugsiyada, taas oo  laga dareemayay kormeerada goobaha waxbarshada dalka, waxayna iyadoo  warbaahinta uga waramaysa socdaalkeeda sheegtay inay hubinaysay nidaamka tacliineed ee Gobolka, isla markaana  ay fasal fasal u soo martay Dugsiga  sare ee Bursade iyo Dugsiyo  kale oo ku yaala xarunta Gobolka Saaxil.
 
Hase yeeshee Ardayda wax ka barata Iskuulada Magaalabada Berbera ayaa cabasho u gudbiyay wasiiradda, waxayna sheegeen in maadooyinka ay xaqqa u leeyihiin in loo dhigo aan loo dhiugin,. Sababtuna ay tahay macalimiin la’aan, balse Wasiiradda ayaa Ardayda ugu bushaaraysay rajo iyo yididiilo, isla markaana  waxay balan qaaday in loo keeni doono macalimiin aqoon badan leh oo wax weyn ka bedela tabashadooda dhinaca waxbarashada iyo maadooyinka ay ka cabanayaan.
Wasiirka waxbarshadda iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aaden waxay  safarkeeda ku jihaysay oo u dhaatay halkaa sii dhinaca Magaalada Sheekh ee gobolka Saaxil.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *