Hargeysa(ANN)Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta soo saaray digreeto uu  xilal ugu magacaabay masuuliyiin Banka Somaliland iyo Madaxtooyadda. Sidaana waxa lagu sheegay Digreeto kasoo baxday qasriga Madaxtooyadda

 

  oo uu ku seexnaa afhayeenka madaxtooyada jamhuuriyadda Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse), taas oo lagu sheegay inuu madaxweynuhu maanta u Magacaabay  Agaasimaha Guud Baanka Dhexe ee JSL, Cabdillaahi Xasan Aadan, halka uu Maareeyaha samo falka xarunta madaxtooyadana u magacaabay inay noqoto marwo Aamina Maxamud Diiriye, warsaxaafadeedaa ayaa u dhignaa sidan;-
“Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed  Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  wuxuu  Maanta soo saaray Digreeto uu ku Magacaabay  Agaasimaha Guud Baanka Dhexe ee JSL.
Waxaanu Madaxweynuhu Yidhi :-
Markaan Arkay: Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad xarafka (Kh) ee Distoorka Qaranka,
Markaan Tixgeliyey:      Ahmiyadda uu Baanka Dhexe  u leeyahay Dhismaha Qaranka,
Markaan Arkay: In baahi loo qabo buuxinta Jagadda Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee JSL.
Markaan Ka Fiirsaday:   Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markaan ku qancay:      inuu hanan karo xilkan loo magacaabay.
Waxaan go’aansaday In Mudane, Cabdillaahi Xasan Aadan laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe (Centeral Bank) ee Jamhuuriyadda Somaliland”
 
Sidoo kale Warsaxaafadeedka kale ee kasoo baxay xarunta madaxtooyada ayaa isna u dhignaa sidan “Markaan Arkay:       Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad xarafka (Kh) ee Distoorka Qaranka, MarkaanTixgeliyey:      Ahmiyadda ay Madaxtooyaddu u leedahay Dhismaha Qaranka,
 
Markaan Arkay: In baahi loo qabo buuxinta Jagadda Maareeyaha Xafiiska Samafalka ee Madaxtooyadda (Marwadda 1aad).
 
Markaan  Ka Fiirsaday:  Kartideeda, aqoonteeda iyo hufnaanteeda shaqo,
 
Markaan  ku qancay:     inay  hanan karto xilkan loo magacaabay, Waxaan  go’aansaday
 
In Marwo, Aamina Maxamuud Diiriye laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Maareeyaha Xafiiska Samafalka ee Madaxtooyadda (Marwadda 1aad) ee Jamhuuriyadda Somaliland”

Markaan Arkay: In baahi loo qabo buuxinta Jagadda Maareeyaha Xafiiska Samafalka ee Madaxtooyadda (Marwadda 1aad).
 
Markaan  Ka Fiirsaday:  Kartideeda, aqoonteeda iyo hufnaanteeda shaqo,
 
Markaan  ku qancay:     in ay  hanan karto xilkan loo magacaabay.
 
Waxaan  go’aansaday
 
In Marwo, Aamina Maxamuud Diiriye laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Maareeyaha Xafiiska Samafalka ee Madaxtooyadda (Marwadda 1aad) ee Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yidhi qoraalka warsaxaafadeedka.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *