Hargeysa(ANN) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha JSL Mudane: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciiil (Saylici) ayaa Ergo nabadeed oo Afartan xubnood ah u saaray khilaafka iyo xiisada ka taagan Deegaanka Buuhoodle iyo Qori-Lugud. Sidaana

waxa lagu sheegay soo Digreeto maanta kasoo baxday xarunta Madaxtooyada Somaliland, taas oo lagu magcaabay   Ergo nabadeed oo  heer qaran ah, isla markaana ka kooban 40 Xubnood oo isugu jira Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka iyo Hogaamiye-yaasha Xisbiyada Siyaasada.

Ergo nabadeedkan Qaran oo uu hogaaminaayo Wasiirka Gaashandhiga Mudane, Axmed Xaaji Cali Cadami Waxa ay ka Hawl-geli doonaan Shaqaaqada ka bilaamantay Deegaanka Qoru-lugud/Buuhoodle.

Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynuhu waxa uu Digreetadiisa ku yidhi,  “Markii aan Arkay Xaalada Nabad-gelyo Darro ee ka soo korodhay Jiida Quru-lugud/Buuhoodle loona Baahan yahay in si dhakhso ah looga hawl galo oo la soo Af-jaro xaaladaasi waxaan Ergo nabadeed Qaran u magacaabay:-

Golaha Wasiiradda:-

1. Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, Wasiirka Gaashaandhiga
2. Mudane, Cabdillaahi Ismaaciil (Geel-jire), Wasiirka Warfaafinta
3. Mudane, Xusseen Axmed Caydiid, Wasiirka Hawlaha Guud
4. Mudane, Ismaaciil Muumin Aare, Wasiirka Cadaaladda

Ergadda Golaha Wakiiladda:-

1. Xildhibaan Cabdicasiis Ismaaciil Ducaale
2. Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale
3. Xildhibaan Maxamed Jaamac
4. Xildhibaan Xamse Gaadaweyne

Ergadda kale ee Xukuumadda:-

1. Bashiir Cabdi Xariir, Madaxa Siyaasadda iyo Xidhiidhka Golayaasha
2. Cabdi Aw Daahir, La Taliye Madaxweyne
3. Fu’aad Aadan Cadde, La Taliye Madaxweyne

Madaxda Xisbiyadda:-

1. Muuse Biixi Cabdi, Xisbiga KULMIYE
2. Axmed Yuusuf Yaasiin, Xisbiga UDUB
3. Axmed Waqaf Mire, Xisbiga UCID
4. Cali Maxamed Waran-cadde.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *