Hargeysa(ANN)Kiiska dacwad loo haysto Nin Jarmal ah oo falal dhaqan-xumo ah ku sameeyey dumar reer Somaliland ah oo dhawaan xabsiga loo taxaabay isaga iyo Haweenay kiiskaa qayb ka ah oo sida ay sheegtay xidhiidh guur dhexmaray, ayaa maanta

 

markii labaad baaqday in maxkamadda la hor geeyo.
 
 Ninkan oo la filayay in maanta la horkeeno maxkamadda degmada ee Hargeysa, balse ka baaqday. Kadib markii uu maqnaaday garsoorihii kiiskaa gacanta ku hayay. Sida ay shebekada wararka ee Araweeloonews u xaqiijiyeen hawl wadeeno ka tirsan maxmakadda. Iyadoo dib-u-dhaca kiiskan ku yimi maalmihii u danbeeyay lala xidhiidhinayo munaasibadda Ciida Udxada oo ku beegantay maalintii saddexaad iyo fasaxa ay galleon shaqaalaha Dawladda.
Kiiskan maxkamadda lagu hor keenayo ninka Jarmalka ah, ayaa tiraba laba jeer dib u dhacay, iyadoo sabtidii todobaadkan la filayay in maxkamadda la hor keeno, balse uu Guddoomiyaha maxkammadu dib ugu dhigay in kiiskiisa la soo dhammaystiro oo maalinta khamiista (Maanta) la keeno, taasoo maantana baaqatay.
 
Guddoomiyaha maxkamadda Degmada Hargeysa, ayaa todobaadkan warbaahinta u sheegay in ninkan Jarmalka ah loo haysto falal dhaqan-xumo oo ay ka mid yihiin sawirro qaaqaawan oo uu ka qaaday dumar reer Hargeysa, isagoo Maxkamadda horteeda ka qirtay inuu sameeyay foolxumooyinkaa, balse ku dooday inay jiraan Hay’ado badan oo ka mid ah kuwa wadanka ku sugan oo hawlahan oo kale ku jira. Sidaa awgeed aanu garanayn sababta keligii loo qabsaday.
 
Ninka Jarmalka ah oo muddo badan dalka ku sugnaa, waxa kiiskiisa fashiliyay haweenay ka mid ah kuwa sawirada ku jira oo markii u horaysay dacwad ka gudbisay, taas oo Maxkamadda ka qaadatay Fasaq iyadoo iska fasaqday Ninkeedii. Kadibna xidhiidh la samaysay Ninkaa jarmalka ah.
Haweenaydaa ayaa qayb ka ah kiiska Ninkaa, iyadoo waqtigan xabsiga ku jirta iyadoo Xaamilo ah, isla markaana hablo da’doodu aad u yar yartahay ayaa laga helay muuqaalada sawirada, kuwaas sida ay wararka xogaha la xidhiidhaa kiisku sheegayaan isugu jira Arday dhinaca Caafimaadka ah iyo kuwo kale.
Ninkaa ayaa ku shaqaysta khadadka loo isticmaalo Printarada ee wax lagu daabaco ku samayn jiray guri weyn oo uu degan yahay, waxa uu ku hadlaa Luqada Afka Soomaaliga oo uu bartay. Waxaana laga helay sida ay sheegayaan wararku  in kombuyuutarkiisa laga helay sawirro iyo Video uu duubay oo  anshax xummo ah, kuwaas  oo uu ka qaaday haween reer Somaliland ah iyo astaamo kale oo muujinaya dhaqan-xummooyin ka baxsan anshaxa Islaamka oo uu ka waday dalka.
Waxa jira warar sheegaya inuu Ninkani ka ganacsan jiray muuqaalada sawirada sidan oo kale ah, isla markaana la gelin jiray Website-yada internetka, balse uu hawlaha ganacsi ee khadka Printarada ku khaldi jiray dadka si aan loo fahmin hawlihiisa kale.
 
 
Dhacdada kiiskan loo haysto ninka Jarmalka ah, ayaa si weyn hadal-hayntiisu uga socotay magaalada Hargeysa todobaadkan, gaar ahaan culimada masjidyada Hargeysa, ayaa khudbadahooda ku soo qaatay dhacdadan oo ay si weyn u cambaareeyeen, baaqna u direen xukuummadu inay maxkamad saarto.
 
 
Kiiskan Maxkamadda ku jira ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee dhacdooyin noocan oo kale ah ee Maxkamad la keeno inta la xusuusan yahay, waxaana suurta gal ah inay fadeexada noocan ahi daah furto shuqul dhaqan xumooyin ay dadka ajaanibka ahi kula kacaan haween reer Somaliland ah, iyadoo ay jireen tuhumo iyo hadalhayn inta badan farta lagu fiiqo oo dhinaca Ha’yadaha ajaanibka ah, kuwaas oo balanqaadyo been ah iyo sababo dhaqaale uga faa’idaysta haweenka, isla markaana waxyaabaha ay jecel yihiin ee dhoofka ku khalda, balse dhacdooyinka iyo falalkaa oo la rumaysan yahay inay inataa ka badan yihiin ayaan weli sidan oo kale usoo shaac bixin, iyadoo uu Ninka kiiskaa dacwadiisu ku socotaa durba iftiimiyay jiritaanka falal badan oo noocan oo kale ah oo ka socda wadanka, isla markaana farta ku fiiqay Ha’yado iyo shaqsiyaad si gaara ugu jira foolxumooyinkan oo kale.
Si kastaba ha haatee Waxa jira digniino ay dadka shacbiga ahi uga digayaan in kiiskaa la fududeeyo, ama lasii daayo Ninkaa.

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *