Hargeysa (ANN)Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigiisii ayaa maanta gaadhay magaalada Addis ababa ee xarunta wadanka Itoobiya abaarro 2:5 duhurnimo. Kadib markii ay maanta ka dhoofeen Madaxweynaha iyo wefdigiisu

 Madaarka caalmaiga ah ee Haregeysa..
Madaxweynaha Somaliland ayaa si weyn loogu  soo dhaweeyay Madaarka  Adis-ababa, iyadoo uu halkaa kaga hor yimi  Rayal Wasaare Ku Xigeenka Itoobiya, isla markaana Madaxweyne Siilaanyo  loo dhigay Rooga-cas ee lagu maamuuso masuuliyiinta sar sare, ka dibna waxaa  loo galbiyay Sharaton Hotel oo la dejiyay  Madaxweynaha iyo wefdigiisa.
Raysal Wasaare Ku Xigeenka cusub ee dawlada Itoobiya ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalka Madaxweynaha Somaliland ku yimid dalkooda tan iyo markii uu la wareegay tallada Somaliland 27-kii bishii July ee la soo dhaafay, waxaanu tilmaamay in wadankiisu qadarin iyo saaxiibtinimo u hayo Somaliland.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa dhiniciisa uga mahad celiyay xukuumada Itoobiya marti qaadka iyo soo dhawaynta balaadhan ee ay u sameeyeen weftigiisa.
Dhinaca kale Madaxweynuhu wuxuu ka hor intii aanu ka dhoofin Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa xog kooban ka siiyay Saxaafada ujeedada safarkiisa iyo mudada uu qaadanayo, isagoo yidhi,  “Ujeedada Socdaalkaygu waxa weeye, waxaan ku tagayaa dalka Itoobiya ee aynu Jaarka nahay, aniga oo uga gudbi doona dalka Ingiriiska. Wadamadaas aan tagayo waxaanu ka wada hadli doonaa dabcan ilaaqaadka Somaliland iyo wadamadaas. Itoobiya waa dal aynu jaarnahay, waxbadani inaga dhexeeyaan, xag nabadgelyo, xag ganacsi iyo xag wada shaqayn, markaa in aanu masaalixii iyo danihii inaga dhexeeyay horumarintooda aanu ka wada hadalno ayaanu ku talo jirnaa.”
Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu intaa  ku daray in booqashadiisa Itoobiya  qaadan doonto muddo sadex maalmood ah,  ka dibna uu uga sii gudbi doono dalka Ingiriiska oo ka mid ah wadamada Somaliland sida eyn uga caawiya horumarinta dimuqraadiyada iyo gargaarkaba.
Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu sheegay in sidoo kale uu booqasho ku tagi doono dalka Ingiriiska ee qaaradda Yurub, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Safarkaygan Itoobiya waxaan uga sii gudbi doonaa dalka Ingiriiska, waa wadan iyaganuna aad iyo aad inoo danayeeya oo ka mida wadamada waawayn ee reer Yurub, oo gacan inaga siiya dimuquraadiyadda iyo waxtarka arrimaha horumarinta iyo dhinac kasta oo aanu uga baahanahay inay iyaguna ku sii wadaan deeqaha ay ina siiyaan oo ay inoo kordhiyaan. Markaa iyagana waxaanu ugu tagaynaa in danaha aynu leenahay aanu ka wada hadalno.
Dadka reer Somaliland-na meeshii ay joogtaba iyagana waanu ugu tagaynaa, oo aanu iyagana ku guubaabinayno in ay dalkooda iyo dadkooda wax taraan, wax u soo qabtaan ugana waranno dalka iyo xaaladaha uu ku sugan yahay iyo xaaladda nabadgelyo ayaanu iyagana uga warami doonaa.”
Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisu waxay Madaarka Hargeysa ka raaceen Diyaarad khaas ah oo ay u soo dirtay dawlada Itoobiya waxaanu madaarka salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qaranka Somaliland. Madaxwaynaha Somaliland waxa   safarkiisa ku weheliya  Marwada Koowaad ee Somaliland, Wasiirradda Arrimaha Gudaha, Qorshaynta Qaranka, wasiir ku xigeenka waxbarashadda iyo tacliinta sare iyo xubno kale oo ka tirsan xafiiska Madaxtooyada, kuwaas  oo ay ka mid yihiin Chief of Cabinet-ka iyo Chief of Pratacol-ka
Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo ayaa safarkiisani noqonayaa kii labaad ee uu dalka kaga baxo mudadii yarayd ee uu xilka hayay, isagoo horaantii bishan kasoo laabtay safarkii ugu horeeyay ee uu booqasho ku tago dal kale. Kadib markii uu socdaal dhawr maalmood ah ku tegey dalka Djibouti, halkaas oo Madaxweynaha dalkaa Mr. Ismaaciil Cumar Geelle si weyn ugu soo dhoweeyay. Socdaalkan oo ah kii labaad ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo Dalka kaga baxo ayaa ka danbeeyay marti qaad rasmi ah oo uu ka helay dalka Itoobiya, halkaas oo uu u dhaafi doono dhinaca dalka Britain, isagoo ka qayb gelaya shir Caalami ah oo lagu casuumay, kaas oo la filayo inuu Madaxweyne Siilaanyo kusoo bandhigo horumarka dhinaca dumuqraadiyada Somaliland iyo Nabadgelyada ka jirta. Shirkaa oo sanadkiiba mar la qabto, isla markaana ay qaban qaabiyaan wadamada daneeya nidaamka geedi socodka iyo horumarka Dumuqraadiyada ayaa sanadkii hore lagu casuumay Madaxweyne Siilaanyo oo waqtigaa ahaa Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Kulmiye, balse xaaladihii iyo duruufihii siyaasadeed ee waqtigaa jiray awgeed ayuu ka cudurdaarta, wuxuuna u wakiishay Xoghayihii arrimaha debeda ee xiligaa oo ah wasiirkiisa arrimaha debeda ee xiligan.      

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *