Hargeysa(ANN)Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Ilaalinta Deegaanka Somaliland Dr. Axmed Xaashi Odey, ayaa shaaca ka qaaday in ay qiime dhimis ku sameeyeen tacriifada lacagta lagaga qaado gudaha Maxjarka xoolaha kala duwan ee ka dhoofa dekedda Berbera. sidaana

 waxa uu ku sheegay Wasiir Odey Shir-jaraa’id oo uu maanta warbaahinta ugu qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa, si shacabku ula socdaan qiimo dhimistaas oo uu wasiirku tilmaamay inay ka dhalatay cabashooyin badan oo la xidhiidha cashuurta laga qaado xoolaha ka dhoofa Berbera oo uga yimid ganacsatada dhoofka xoolaha iyo in aanay tartanka suuq-yada xoolaha waxyeelin qiimo dhimis noocan oo kale ah oo maamulka Puntland hoos ugu dhigay qiimihii xoolaha ka dhoofa magaalada Boosaaso.

Shirkan jaraa’id waxa kale oo uu kaga hadlay Wasiirka Xanaannada Xooluhu waxa ay illaa hadda ka qabteen xoolo lixdan kun gaadhaya oo dhawaan dalka Sucuudigu sheegay inay xanuusanayaan oo dalka dib ugu soo celiyey. 
Wasiirku, isaga oo ugu horeyn ka hadlay go’aanka uu hoos ugu dhigay lacagta cashuurta ah ee lagu qaado Maxjarka xoolaha ee Berbera waxa uu yidhi “Maanta warbaahinta dalka waxaan ugu yeedhay si ay u gaadhsiiyaan cashuur dhimis ay xukuumadu ku samaysay xoolaha nool ee ka dhoofa dekeda Berbera, waxa hore u jirtay in cashuurta laga qaadi jiray Geella iyo Lo’da uu ahaa 23 Dollar neefkiiba, Adhigana laga qaadi jiray 7.5. markii aanu aragnay cabashada dadweynaha ee xoolaha ee aan Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyada la tashaday, isla markaana aanu eegnay qiimeyaasha xoolaha ee Maxjarada hareeraha ka xiga dekeda Berbera, waxaanu go’aaminay in qiimihii markii hore Maxjarka gudihiisa lagu qaadi jiray ee $23-ka dolar ahaa Geella iyo Lo’da, hadda laga qaado $18.5 dawladana loo shubo $ 1.5 oo markii horeba loo shubi jiray, qiimihii Adhigana hadda la qaado $ 5.5 dawladuna $1 Dollar qaadato.
Qiimahaas oo dhammaan aanu hoos u dhignay xoolihii ka dhoofi jiray dekedda Berbera, kaas oo dhammaan ganacastada dhoofka xoolaha iyo cidkasta oo ay arintani khusayso aanu farayno maanta oo ay bishu tahay 11/10/10 in lagu dhaqmi doono wareegtadaas cusub ee cashuur dhimista ah.” 

Wasiir Dr Odey, isagoo ka hadlay lacagta uu qaado Maxjarka xoolaha ee magaalada Berbera cidda qaadata, waxa uu sheegay in marka laga reebo mushaharaadka shaqaalaha iyo kharashka baadhista xoolaha uu qaato ganacasade Saleebaan Al Jaabiri sida uu dhigay heshiiskii uu ku dhisay Maxjarka ee ay xukuumadii hore la gashay waxanu yidhi “lacagta cashuurta Maxjarku qaado waa laba qaybood oo kala ah mushaharka shaqaalaha ka shaqeeya Maxjarka xoolaha iyo khidmadii uu qaadan jiray ganacasade Al Jaabiri sidii heshiiskii lala galay dhigayey, marka laga reebo kharashaadka shaybaadhada”.

Dr Axmed Xaashi Odey waxa kale oo ka hadlay xoolo dhawaan laga soo celiyey magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga oo dhakhaatiirta Sucuudigu ku soo sheegtay in ay xanuusanayaan oo laga helay xanuunka Furuqa iyo wixii ay xukuumadu ka qabatay intii ka dambaysay soo celinta xoolahaas, waxaanu yidhi “Xoolihii lixdanka kun gaadhayey ee dhawaan laga soo celiyey Sucuudiga waa run oo waxa laga soo helay xanuunka, todoba neef oo kaliya sida lagu soo caddeeyey warqad la soo raaciyey labadii Markaba waxa laga kala helay midba laba neef iyo shan neef, waxa laga helayna waxa weeyaan waatii beryahan uu innagu badnaa Roobku, markaa xooluhu markay sii marayaan badda ama uu meel roobku ku helo waxa ka soo baxa finan yar yar oo Dhululuc la yidhaahdo oo isla markiiba bakhtiya. Hase yeeshee nimankaa Carbeed ee dhakhaatiirta ahi, waxa ay ku sheegaan oo ay xoolihii ku soo celiyeen Furuq, Furuqna maaha. Markii aanu wada hadalnay ee dacwadii gaadhay illaa Wasiirkii Xoolaha ee Sucuudiga waxa la go’aamiyey 10% wixii ka yar in aan xoolaha la soo celinin, marka lagu arko calaamadaas. Labadaa Markab ee la soo celiyey waxa ka dambeeyey saddex Markab oo kale oo iyaga aan la soo celin”.

Wasiirka xanaanada xooluhu wuxuu sheegay maadaama lagu jiro wakhtigii bisha Carafo oo dalka Sucuudiguna Somaliland ka doonayey inay wakhtigan oo kale uga yimaadaan xoolo gaadhaya laba milyan oo neef, inay tansiilaad badan u sameeyeen ganacastada xoolaha dhoofisa, isaga oo Dr. Odey arintaa  ka hadlaya waxa uu yidhi “Runtii waxyaabaha aanu ka qabanay oo la xidhiidha xagga tasiilaadka waxa ugu wayn tan cashuur dhimista, xagga dhakhaatiirta xoolaha ee joogay Maxjarka Berbera waxa ay markii hore ahaayeen 29, halka aan hadda ku kordhiyey 40 dhakhtar oo kale si habeen iyo maalinba loo shaqeeyo oo aanay xooluhu mar kaliya isku taagin”.

Wasiir Odey waxa kale oo uu sheegay in xukuumad ahaan ay heshiis danbe la geli doonaan Shirkada Al-jaabiri marka uu dhamaado Mooshinka Xoolo dhoofinta ee xiliga  Cafarafda.
Dhinaca kale Talaabada ay xukuumaddu qaaday ee dhimista cashuuraha laga qaado xoolaha ka dhoofa marsadda caalamiga ah ee Berbera ayaa noqonay mid ay soo dhoweeyaan ganacsatada xoolaha dhoofisa ooh ore uga caban jiray cashuuraha laga qaado iyo mushkilado ay kala kulmaan xoolo dhoofinta, taas oo ay dhawr goor u gudbiyeen xukuumaddii hore, balse ay  ka dhega adaygtay.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *