Kampala (ANN)Wararkii u danbeeyay ee ka soo baxay baadhitaanadii lagu waday qaraxyadii 11,July ka dhacay Magaaladda Kampala ee Xarunta Dalka Uganda, ayaa shaaca ka qaaday tiradda Dalalka Muwaadiniintoodu ka qaybgaleen fulinta weerarkaa. Waxaanay qaar ka mid ah

dadka u xidhan falalkaasi oo kasoo jeedaa todoba wadan ay shaaca ka qaadeen Qadarka Lacagta ay ku qaateen fulinta weerarkaas. sida aanu ka soo xiganay Wakaaladda Wararka ee AP, Ciidamada baadhista ee Dalka Uganda oo kaashanaya Xubno ka socda Hay-Adda Baadhista Dembiyadda iyo Ciidamo ka socda Dalka Kenya, ayaa shaaciyay tiradda Dadka ka qayb-galay Weeraradii ka dhacay Magaaladda Kampala ee Dalkaas 11,kii Bishii July iyo dalalka ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan.
Sida ay wakaalada wararka ee  AP, baahisay Ciidamadda Baadhista wadaa waxay sheegeen in 36 Qof oo u kala dhashay Toddoba dal ay u xidhan yihiin inay ka qayb-galeen weeraradaas isla markaana caddayn lagu hayo kuwaas oo ay sheegeen in dalalka ay qaarkood u dhasheen ay yihiin kuwo ku caan ah Kooxaha fuliya weeraradda Argigixiso Dalalka ay ka soo kala jeedaan dadkani ayaa kala ah Soomaaliya, Pakistan, Yemen, Kenya, Rwanda, Tanzania, iyo Uganda.
warku wuxuu intaa ku daray in weeraradaani ay fuliyeen Kooxdda Al-Shabaab ee Soomaaliya, isla markaana ay adeegsadeen dadkan ka soo kala jeeda dadlalka kala duwan. Kuwaas oo kala ah ganacsato, Ardey Jaamacadeed, iyo kuwo ka shaqeeya mihnado kala duwan.
Mohamoud Mugisha oo ka mid ah dadka u xidhan weeraradan, ayay warbixintu sheegtay in uu qirtay fulinta weerarkaas, isla markaana ay Kooxdda Al-Shabaab ku sii say 4,000 ku oo Dolar, si uu uga qayb-qaato fulinta weerarkaas. Waxaanu sheegay in uu Guri u kireeyay dadkii falalka fuliyay, isla markaana uu waxyaabaha qaraxa uu ka keenay Soomaaliya, isaga oo soo mariyay Dalka Kenya,
waxaanu intaa ku daray in uu tallaabinta waxyaabaha qarxa uu u adeegsaday Ciidamo Booliis Soomaali ah oo joogay Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, “Kooxdda Al-Shabaab ayaa i siisay 4,000 oo Dollar, aniguna waxaan u qabtay oo u kireeyay Guri, qalabka qaraxa lagu fuliyay oo aan u soo talaabiyay.” Ayuu yidhi Maxamauud.
Dawladda Uganda oo ka hadashay qorshahooda ee ka hortaga Argigixisadda, ayaa sheegta inaanay awoodin inay joojiso weeraradda lagu soo qaadayo balse ay yarayn karaan. “Uganda ma odhan karto wixii dhacay 11,July dib uma dhici karaan, sababtoo ah waxay ka dhaceen dalal ka hormaray Teknoolajiyadda, Hay-adahooduna ka qalabaysan yihiin kuwayaga. Sidaa darteed, waanu yarayn karnaa uun (Qaraxyadda), laakiin ma joojin karno,”
Sidaa waxaa yidhi Afhayeenka Ciidamadda Uganda, dhinaca kale Dawladda Uganda ayaa kordhisay Tababarada ay u fidiso Ciidamadda ka-hortaga Argigixisada, iyada oo sida ay warbixintu xustay dariiqyadda magaalada Kampala ay gaaf-wareegaan Ciidamadaasi, iyadoo  melaha laysugu yimaado ee Dukaamadda, Baananka, Makhaayadaha iyo meelaha xarumaha ganacsiga lagu rakibay Qalabka digniinta ah ee sheega waxyaabaha Qarxa.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *