Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), oo ay weheliyaan Wasiirada Gaashaandhiga, Warfaafinta iyo Cadaaladda ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad ka dhacday Miiska Saraakiisha oo lagu soo bandhigay deraasad ay sammeeyeen

khubaro uu Madaxweynuhu u saaray ka soo tallo-bixinta qaab-dhismeedka ciidammada Somaliland iyo sidii derejooyin loogu samayn lahaa ciidanka.

Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda oo uu ku saxeexanyahay Afhayeen Cabdillaahi Cukuse, kaasoo u dhignaa sidan;

 

“Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) oo ay weheliyaan Wasiirada Gaashaandhiga, Warfaafinta iyo Cadaaladda ayaa ka qayb galay kulan Balaadhan oo lagu soo Bandhigay Daraasad ay in mudo’ahba ku hawlanaayeen Guddi Heer Qaran ah oo ka kooban Saraakiisha waa wayn ee dalk JSL.

Kulankan oo ka dhacay Miiska Saraakiisha waxa uu madaxweynuhu warbixinta Daraasadan ka dhegaystay xubno ka mid ah Gudida saraakiisha ah ee soo diyaarisay.
Madaxweynuhu waxa uu gudida ka gudoomay Dhawr buug oo ay ka diyaarisay Daraasadan oo nuxurkeedu ku urursan yahay sidan:-

1. Sharciyada Ciidamada
2. Derajooyinka Ciidamada
3. Iyo Qaab dhismeedka Ciidamada
Gebegabadii kulanka Hadal kooban oo madaxweynuhu halkaa ka jeediyey waxa uu marka hore Gudida, Wasaarada Gaashaan Dhiga, Taliska Ciidanka Qaranka iyo Cidkasta oo Gacan ka gaysatayba ku boogaadiyey Daraasadan Kulanka lagu soo ban dhigay oo uu Madaxweynuhu Sheegay inay tahay mid qiimo wayn dalka ugu fadhidda.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu Qudbadiisaa ku amaanay dhamaanba ciidamada dalka oo uu sheegay in ay Kaalin weyn kaga jiraan dhismaha Dawladnimada, Adkaynta Nabad gelyada iyo Difaaca qaranka, waxaanu ku amaanay Adkaysiga ay u leeyihiin Xil gudashadooda.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay tahay hawshani bilawga dadaalka ay xukuumadu doonayso ee Balan qaadkeedu ahaa inay ciidamadu Derajo-yeeshaan.
Ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu balan qaaday inuu daraasadan iyo tala bixinta guddidaba fulindoono kolba intii ay awoodu saamaxdo.”
Dhinaca kale warar  xog ogaal u ah hawlaha gudida arrimaha  ciidanka ayaa sheegaya in dhowaan lasoo bandhigayo qorshayaal kale oo mihiim ah, kuwaas oo ku saabsan in ciidamada loo sameeyo guryo, iyadoo Askari kasta oo ka tirsan Ciidanka qaranka loo dhisi doono Guri ka kooban saddex qol oo leh Suuligii iyo madbakhii, isla markaana goobaha guryahaa laga dhisayaa  noqonayaan xarumo saldhigyo u noqonaya Ciidamada qaranka. Sidoo kale xogahaa oo ay shebekada wararka ee Araweelonews ka heshay hawlwadeenada ku dhow dhow gudida ayaa sheegaya in goobahaa laga dhisi doono Dugsiyo ay wax ku bartaan Caruurta Ciidamadu, iyadoo sidoo kale laga samaynayo xarumo iyo goobo Caafimaad iyo gebi ahaanba goobaha adeegyada aasaasiga ah. Waxa kaloo ay xogaha la xidhiidha hawlahaasu sheegayaan in kor loo qaadayo tababarada ciidamada iyadoo ay qorshaha ku jirto in la sameeyo goobo lagu laylyo saraakiil cusub iyo in la kordhiyo mushaharka ciidanka qaranka, taas oo uu Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku balanqaaday xiligii ololaha doorashada Madaxtooyada ee qabsoontay  26  Jun, 2010.

 

Xukuumadii hore madaxweyne Rayaale ayaa samaysay balanqaadyo badan oo ahaa inay ciidamada u samaynay darajooyin, balse ugu danbayntii maalmo yar ka hor doorashadii madaxtooyada Somaliland ayuu si cad u sheegay inay xukuumadii isaga ka horeeyayba samayn kari waayeen darajooyinka Ciidanka qaranka sidaa awgeed aanay suurta gal ahayn inay xuukamdiisu samayso.
Sidaa awgeed inta aan la gaadhin qorshayaasha kale ee lagu horumarinayo dhismaha ciidanka qaranka, haddii ay xukuumada Somaliland ee xiligan uu madaxweynaha ka yahay  Axmed Siilaanyo ku guulaysato inay hir geliso helitaanka ciidanka qaranka inay helaan derejooyin, waxay talaabadaasi si weyn wax   uga taraysaa dhismaha iyo xaqiijinta qaranimada Somaliland, isla markaana waxay kor u qaadaysaa mooralka ciidanka qaranka, iyadoo talaabadaasi dhinaca dhinaca kalena noqonaysa mid shacbigu si weyn usoo dhoweeyaan oo xaqiijinay inay xukuumadu noqonay xukuumadii ugu  horaysay ee si cad u fulisa balanqaadayadii ku beenoobay xukuumadii hore ee Madaxweyne Rayaale oo xiligii ay xukunka haysay mudadii sideeda sanadood ahayd balanqaadyadii ay samaysay ee heshiisyo shirkado lala galo iyo dhagxaan meelo badan la dhigay ugu danbayntii noqdeen waxba kama jiraan.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *