warancade1Hargeysa(Araweelo News Network)xukuumada Somaliland ayaa dalkeeda ka masaafurisay saddex Nin oo ka tirsan xukuumadda Federaalka Somalia ee Xasan Sheekh Maxamuud oo si qarsoodi ah usoo

 

galay Somaliland, balse ay Ciidamada Aamaanka Somaliland ka war heleen kadibna xabsiga dhigeen.
Saddex Nin oo sida ay sida ay shebekadda wararka ee Araweelonews ka heshay hawlwadeeno ka tirsan Hay’addaha amaanka aan ejeedada safarkoodu ahaa mid shaki leh ayaa ahaa saraakiil ka socday Madaxtooyadda Somalia iyo Xafiiska Raysalwasaaraha.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cade ayaa u sheegay Telefishanka Horn Cable in ay shalay ciidamada amaanku qabteen saddexdaa Nin oo si qarsoodi ah usoo galay Somaliland, iyadoo aan la oggaan ujeedada socdaalkooda. Sidaa awgeed ay xabsiga u taxaabeen shalay, isla maantana loo qorsheeyay in la masaafuriyo,.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Waran-cade, wuxuu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “way jiraan saddexdaa Nin oo ka socday dawlada Somalia oo si qarsoodi ah usoo galay Somaliland, waxayna ka socdeen dawlada Somalia oo ay mamnuc tahay in masuul ka socdaa yimaado Somaliland, markaa markii aanu fahmiweynay ujeedada socdaalkooda, waxaan go’aansanay in aanu masaafurino, si ay digniin ugu noqoto kuwa kale.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland.
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *