Silanyo1speechLiverpool(Araweelo News Network)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo booqasho ku jooga dalka Britain, ayaa kulan ballaadhan la yeeshay Jaaliyaddaha

 

Somaliland ee ku dhaqan dalkaa,  kulankaa oo ka qabsoomay Magaaladda Liverpool ayaa ahaa mid si weyn loo soo agaasimay, waxaana ka soo qaybgalay shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Britain,  Wasiiro safarka ku weheliyay Madaxweynaha, Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Uk.

Madaxweyne Axmed Silaanyo ayaa warbixin qotodheer oo uu kaga hadlayo xaalada dalka, waxqabadka xukuumaddisa, qorshihiisa siyaasadeed iyo doorka Bulshada Somaliland eek u dhaqan dalka debediisa ka jeediyay madasha, wuxuuna si gaar ah uga hadlay marxalada dalku haatan maraayo, waxyaabaha u qabsoomay iyo isku duubnaanta shacabka.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, “Waxaan jecelahay inaan idiin soo jeediyo sharaf iyo bogaadinta aad mudan tihiin sidaad noo soo dhawayseen, Annagu waxaanu dalkii ka soo maqnayn muddo 13 cisho ah, oo aanu safarkan ku soo maqnayn, annagoo waddanka Faransiiska kula kulanay dawladda Faransiiska, iyo Golaha guurtida ee dalkaasi, sidoo kale waxaanu la kulanay shirkada weyn ee Bolor, oo ah shirkadaha ugu waawey Faransiiska ahna shirkad ka shaqaysa horumarinta Dekedaha, oo danaynaysa maalgashi ay ku sameeyaan Dekadeena Berbera, si ballaadhan ayaa naloo soo dhaweeyay. Dawladda Faransiiska ka sokow waxaanu la kulanay Jaaliyadda Somaliland ee waddamadaas oo iyaga oo isu dhan aanu kulan la yeelanay.”

Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi. “Dalkii waxaa ka waramay Wasiirrada ila socday oo tilmaamay horumarka uu gadhay, runtii horumar baaxad leh ayuu dalkii ku talaabsaday, haday ciidamadda tahay, haday wadooyinka iyo tacliinta tahay, haday caafimaadka tahay, dhinac kasta runtii horumar weyn oo baaxad leh ayuu dalku sameeyay, balse wax kasta oo la sameeyay waxay noogu-muuqataa inaanay fari ka qodnayn, oo intaas wax ka badan loo baahanyahay intuu gaadhaayo halka aynu rabno iyo sidii hore halkaas looga sii marin lahaa. Takale waxaan qabnaa in lagu dagaalamo sidii uu dalku aqoonsi buuxa uga heli lahaa caalamka, waxyaabaha ay dunidu inagu qiimaynayso ee ay aakhirka innagu Ictiraafayso-na waxaa ka mid ah horumarka uu sameeyo dalku ee dadkiisu sameeyaan ee dhinac kasta ka gaadhaan”.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaa uu iftiimiyay khataraha ku gadaaman madaqada, sida argagaxisada, budhcad badeeda, wuxuuna tilmaamay sida xukuumada somaliland shacbigeedu dagaalkooda ugu midaysan yihiin, isagoo yidhi,“Waxaynu ku naala mandaqad xaasaasiya waxaynu joognaa dhulka argagixisadu ka shaqaysato, shacabkeena iyo culimadeena iyo dadkeenu runtii aad iyo aad ayay ula dagaalamaan oo uga soo horjeedaan oo u muujiyaan. Waxaynu joogna mandaqad budhcad badeedu ka dilaacday oo ka shaqaysato, maanta inta xabsiyada ku jirta budhacad badeed, oo aan mandaqadeena lagu qaban ee mandaqadaha kale lagu soo qabtay dunidu way ogtahay.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), waxa uu ku booriyay shacbiga Somaliland ilaalinta midnimada iyo wadajirka “Marka waxaynu nahay dad adduunka u tirsan oo ay masaalix ku leeyihiin, mana nihin dad tooduun ka shaqaysanaaya, markaa masaalixdaas waynu ka faa’iidaysanaynaa oo hore ayaynu uga marinaynaa, waxaase lama huraan ah inaynu isku xidhnaano oo ilaashano midnimadeena iyo wadajirkeena. Hadad tihiin dadka debadda ku dhaqan mar walba door laxaad leh waxaad ka qaadanayseen dhismaha dalka iyo dadka, waxaan qabaa maanta inaad halkii ka sii wadaysaan wanan idiinku dhiiri galinaynaa wanan ku kalsoonahay”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

info@raweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *