madaxweyne Xigeenka1Hargeysa(Araweelo News Network)Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah Ku-simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdillaahi  Ismaaciil Saylici ayaa Maanta ka Qaybgallay

 

Sanad Guuradii 20 ee Aasaaska Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibaddaa oo ahayd mid si weyn loo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta taliska ciidanka Militariga ee loo qayaano Qaybta, waxaana ka qaybgalay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, isla markaana ah Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI, Gudoomiye xigeenka Kulmiye, Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland, Taliyayaasha Ciidamada Milateriga iyo  Booliska, Saraakiisha iyo madaxda kale ee Ciidamada qaranka, xildhibaano ka socda golayaasha Baarlamaanka.

Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah ku simaha Madaxweynaha Cabdiraxman Cabdillaahi  Ismaaciil Saylici  ayaa sheegay in  xukuumada Madaxweyne Siilaanyo  ka dhabaysay balanqaadkii ay hore  u fulinwaayeen xukuumadihii ka horeeyay ee ahaa in derejooyinka la siiyo ciidanka qaranka, taas oo uu sheegay in ay tahay guul weyn oo usoo hoyatay qaranka Somaliland.

munaasibada ciidanka1Madaxweyne Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici waxa uu sheegay in ciidanka qaranka Somaliland yihiin kuwo loogu tallo galay difaaca dalkooda hooyo, balse aan loogu tallo galin in ay dalalka jaarka ah ku gaafan, waxa kale oo u baaq u diray Maamul goboleedka Puntland ee Somaliyeed, isagoo ugu baaqay in ay iska dhaafaan dhulka Somaliland ee ay sheeganayaan.

Taliyaha Ciidanka Qaran  Somaliland  Sareeye Gaas Ismaciil shaqale oo hadal dheer ka jeediyay munaasibadaa ayaa sheegay  ujeedada loo qabtay tahay  sidii loo maamuusi lahaa aasaaska ciidanka qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo dhidibada loo taagay 1994-kii.

ciidanka qaranka1
Sareeyo Guuto Ismaaciil Shaqale waxa uu ka waramay  heerarkii kala duwanaa  ee uu soo maray  cidiimada qaranka Somaliland, isaga oo tilmaamay in haatan  ay marayaan meel aad u fiican oo shacabka Somaliland ku kalsoonyihiin in ciidankoodu yihiin kuwa u taagan ilaalinta qaranka iyo difaaca dalka ee xuduudaha, wuxuuna wax lagu farxo ku tilmaamay in xuska munaasibada labaatan guurada kasoo wareegtay aasaaska Somaliland kaga duwan tahay munaasibadihii hore, iyadoo sanad guuradan ay ciidanka qaranku heleen derejooyinka ay xukuumadda Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo hogaamiyo ay bixiso, taas oo sida uu xusay si weyn wax uga bedeshay haykalkii iyo nidaamkii hore ee ciidanka oo ka dhigtay ciidan qaran oo jira oo kala danbayn iyo nidaamkii lagu yaqaanay ciidanka leh, isla markaana kor u qaaday haybadii iyo sharaftii ciidanka qaranka.

cabdidaahir Camuud1
Sidoo kale Wasiir Ku-xigeenka gaashandhiga Cabdi Daahir Camuud oo hadlay munaasibadaa ayaa tilmaamay in ciidanka qaranku ay u diyariyeen tababaro faro badan oo loo kala diray wadamada jaarka iyo kuwa Yurub, wuxuuna sheegay in ciidanka qaranku yihiin cudud laysku halaynkaro.

kooxda fanaaniinta1Munaasibaadaa oo  ahayd mid si weyn loo agaasimay waxa lagu soo bandhigay Riwaayd ka tujumaysa sida  lagu gaadhikaro horumar iyo sida ugu wanaagsan  ee dalka loo maalgashan karro, isla maraakana loola  soo biixi lahaa khayraadka ku jira dhulka Somaliland.  duugan dalkeena.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *