-
Published On: Sun, Sep 4th, 2011

Xukuumadda Somaliland Oo Dalkeeda Ka Hurgufaysa Kumanaan Ajaanib Ah Oo Sharci Daro Ku Jooga. Muddo Koobana U Qabatay Inay Kaga Baxaan Dalka

Smiley face
Share This
Tags
View MVC-005S.JPG in slide show

Hargeysa(ANN)Xukuumadda  Somaliland ayaa soo saartay amar ay ku farayso  dadka ajaanibka ee dalka ku jooga sifaha sharci darrada oo gaadha ku dhowaad boqol kun oo qof  inay kaga baxaan  muddo 30 maalmood gudohood  ah, isla markaana waxa lagu sheegay amarkaa cidii u

 

hogaansami weyda in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo iyo sidoo kalena looga digay muwaadiniinta gacan siiya dadka sharci darada ku jooga dalka inay la kulmayaan ciqaab.
Sidaana  waxa lagu sheegay  shir jaraa’id oo ay ay si wada jir ah  maanta ugu qabteen xaruna wasaarada Arrimaha gudaha Somlailand  ku simha Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi  Cismaan Garaad Soofe, Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Axmed X. C/laahi Xamarji, ku simaha Maayirka Magaalada Hargeysa Maxamed C/laahi Uurcade, Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/laahi Xuseen Cige (C/llaahi Balacki) iyo Agaasimaha Guud ee Dib u dejinta  Axmed Cilmi Yare.


Ku simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha, isla markaana ah Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaa Cismaan Garaad Soofe oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ka Xukuumadd ahaan daraasado badan oo ay sameeyeen gaadheen Go’aankan, waxaanu, isagoo arrintaa ka hadlaya  yididhi,  “Shirkan Jaraa’id ee aanu qabanay waa arrin muddo laga soo shaqaynayay oo aanu u qabanay. Kadib markii aanu qabanay  Shirar  iyo kulamo  wada tashiyo  anaga oo daraasad ku sameynayna dadka dalkan yimi ee sharci darrada ku jooga qaab kee ayaa looga saarayaa dalka,  sidee ayay shuruucdoodu noqonaysaa, arrinkaa waxaanu uga yeedhnay Aqoonyahano ku xeel dheer Shuruucda Caalamiga ah iyo kuwa Qoxoontiga, Daraasado badan oo ka dambeeyey ayaanu sameynay, waxaanu eegnay dhibaato intee le’eg ayay ku hayaan dadka wadankan jooga, waanu weynay wax faa’iido ah oo ay ku hayaan haba yaraatee, waxaanu aragnay inay khasaaro waxaan ahayn aanay ku hayn, haddii ay noqoto dhinaca dhaqaalaha, Nabadgelyada iyo Arrimaha kaleba, waxaanu soo diiwaangelinay dad ku dhaw boqol kun oo dalka sidii kuwa u dhashay isaga jooga oo shaqadii uu doono qabanaya wixii uu doono seminaya.” Ayuu yidhi Garaad Soofe.

 

Wuxuuna isagoo sii sharaxaya ku simaha Wasiirka Arrimaha Guduhu arrintaa yidhi, “Waxay noqotay arin culeys leh, taana waxa ka daran in xadiga soo galayaa uu sidoo kale aad u tiro batay, marka loo eego maalinlaha ama bilaha, taasi waxay noqonaysaa haddii aan waxba laga qaban in dalku isku rogo in dadkii lahaa aanay lahayn, markaa waanu u adkaysan waynay arintaasi, markaa waxa ay Dawladda go’aansatay in dadkaa wax laga qabto, waxaanu go’aan ku gaadhnay in dadka iska dhex mushaaxaya dalka ee aan sifaha sharciga ku joogin in ay dalka ka baxaan muddo sodon cisho ah taas oo ku beegan 4 Octobar ee fooda inagu soo haysa waa inay mudadaas intaan la gaadhin ay dalka ka baxaan.”

Sidoo kale Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Axmed X. C/laahi Xamarji oo halkaa ka hadlay ayaa xusay in dadkani dhibaato aad u weyn dalka ku hayaan, isagoo yidhi, “Dalka waxa ku soo qul qulaya dad Ajaaniba ah iyada oo maalintii lagu qiyaasay ugu badnaan inay dalka soo galaan 150 qof, iyaga oo inagaga soo galaya Dawladdaha aynu jaarka nahay ee aynu mandaqada ku wadda naalo , dhibaatada ay dadkaasina inagu hayaan waa mid haddii aynu mid mid u soo qaadano aan la soo koobi karayn, runtiina waxaynu nahay dal jira oo shuruucdii caalamka lagu la dhaqmayey iyo kuwii dalka gudihiisa lagula dhaqmayey u dhan yihiin, waxaanu in badan ka baaraan dagaynay anaga oo ixtriraamayna Shuruucda dalka iyo ta bani aadaminimada sidii aanu ugu mari lahayn ee dariiqa ugu haboon ah, runtiina dhibaatooyinka ay inagu hayaan waa mid aad ka wada war haysaan hadii ay noqoto laamida oo ay wada wadhan yihiin, haddii ay noqoto wadooyinka oo ay ku tafiirmeen, haddii ay noqoto baahidooda islaamnimadiina ka tagtay,  Bani aadaminimadiina ka tagtay, iyada oo aanu in badan u dul qaadanaynay oo aanu indhaha ka qarsanaynay, waxaanu u soo xadhko xidhanay sidii aanu iskaga nadiifin lahayn dadkaa, waxa aan dadweynaha ku guubaabinayaa haddii uu aqal waashmaan uga yahay iyo haddii uu hawl kale u qabanayo in si wada jir ah loo wada qabto, arinkaa waa la isla kaashanayaa, Dawladd ahaan waxa naga soo go’oday inaanu dib isaga wada celino dhamaan cidii ajanibi ah, dal kasta ha inaga soo galaan waxa naga go’aan ah in muddo bil gudaheed ah dhamaan lagu celinayo dadkii dalka dibeddiisa ka soo galay, waxaan dadweynaha ka codsanayaa inay naga gacan siiyaan oo nin walawba aad u aragto in aad jeebka uu qarsato oo aad tidhaahdo gaydhkuu iga furayaan gaar ahaan dadkayaga masuuliyiinta oo aanaydaan la shaqeyn Hay’adaha arintan ku shaqada leh.’ Ayuu yidhi Xamarji.

Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Axmed Xaaji C/llaahi Cumar Xamarji oo la hadlaya dadweynaha Hargeysa waxa uu yidhi,  “Dadweynaha waxaan ku guubaabinayaa sharciga anaga gacanta ku hayna, looma baahna inamo yar yar oo intay nin meel ka soo qabtaan yidhaahdaan waa kan anaga ayaa u heegan ah anaga ayaa ka hawl galayna, dadweynaha waxa looga baahan yahay inay ku soo war geliyaan uun meesha ay ku sugan yihiin, muwaadin waxaad tahay gacantii Bileyska iyo Indhihii Bileyska, laakiin muwaadin ma tihid fulintii Bileyska, la idiin kama baahna inaad talaabo idinku qaadaan ee waxa la idiinka baahan yahay oo qudha inaad la soo socodsiisaan.”

Agaasimaha Wasaaradda dib u dejinta Axmed Cilmi Yare oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay qoysas aad u tiro yar uun dal ahaan u aqoonsan yihiin qoxoonti, balse qoysas aad u tiro badan aanay dalka ku joogin qoxoonti ahaan oo ay iska joogaan, waxaanu yidhi “Dadka ajanibaga ah ee wadanka jooga tiro koob sax ah oo aanu imika sheegi Karno ma hayno, laakiin ku dhawaad waxaanu haynaa sideetan kun ilaa sagaashan kun inta u dhaxeysa wadanka oo dhan ha ugu sii badnaadeen Caasimaduye.”
“Waxa wadanka loo aqoonsaday Qoxoonti oo qoxoontinimo ku jooga 470 qoys, intaas oo qoys oo marka shakhsiyaad loo sii bedelo noqonaya 1772 qof , intaasi waa inta qoxoontiga ah dadka la saarayo ee aanu ka hadlaynaa maaha dadkaasi, dadkaanu ka hadlaynaa waa dadka ka badan 80,000 (Sideetan kun) ee qof ee wadanka ku jooga sharci darrada, wadanku maaha meel iska qashin qub ah oo cid walba inta ay timaado si sharci darro ah ku joogi karto arrimo Nabadgelyaa jira oo Aduunku kubad ayuu iska noqday oo Nabadgelyadu halka ay marayso waad ogtihiin, arrimo Caafimaad baa jira, kuwa Dhaqaalaa jira iyo mushkalado kale oo tiro badan baa jira, kuwaas oo ay ku hayaan dadkan sharci darrada wadanka ku joogaa, waxaananu halkan u fadhinaa in arinkaa wax laga qabto oo aanu bulshada Warbaahinta u marinaynaa, dadkaasi waxay isugu jiraan dad dhawr nooc ah, maaha dad la odhan karo meel qudhey ka yimaadeen.”

“Waa dad cid walba ka kooban oo wadamada aynu jaarka nahay oo dhan ka kooban, tusaale ahaan dadkan aanu u aqoonsanay Qoxoontiga waxa ku jira Pakistan, Itoobiyaan, Yemeniyiin, iyo dad badan oo kale, markaa dadka aanu eeganaynaa maaha Itoobiyaan oo aanu leenahay meesha ka saara waa dadka ajaanibka ah oo dhan, iyaguna runtii way ku dayacan yihiin meesha, waayo Dhaqaale badan oo ay Somalilan ku kaabto uma hayso waxaad arkaysaa dad badan oo Wadooyinka ku umulaya, kuwo ku gaajoonayaad arkaysaa, inaga dadkeenu wadamada kale Qoxoonti bay ku joogaan oo cida aynu caaawin karno Awoodeenu waxay noqotay inaynu qaabilno 1772-kaa Qof, tirade kale ee badana ma qaabili karno, markaa si aanay ugu dayacmin dalka, baqdinta Nabadgelyadana looga baxsado, waxaanu ku talinaynaa inay si nabadgelyo leh dalkooda ugu noqdaan, waxaanan dadweynaha ka codsanaynaa inaanay budh dabada u qaban oo aanay odhan Dawladdiibaa tidhi ha baxeen,”ayuu yidhi Agaasimaha wasaarada dib u dejinta.

 

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/llaahi Xuseen Cige (C/laahi Balaaki) oo isna halkaasi ka hadlay wuxuu yidhi “Warsaxaafadeedkan aanu Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku dhex qabanay waxa uu daaran yahay, waa barnaamij ay Dawladdu muddo badan ka baaraan degtay oo ah dadka sharci darrada Dalka ku jooga cid kasta oo u yahayba maaha dal gaar ah maaha dad gaar ah, Sharciga Dalkan Somaliland waxa uu dhigayaa in cid kasta oo dalka soo galayaa uu maro sifo uu dalka ku joogi karo ha noqdo mid Qoxoontinimo, Dalxiis, ama mid shaqo u imanaya, waxaanu warsaxaafadeedkani daaran yahay dadka Dalka Sharci darrada ku jooga, gaar ahaan waxaanu ka hadlaynaa dadka dalka dhibaatada ku haya, waxaanay Wasaaradda Arrimaha Guduhu ogolaansho siisay oo dalka sharci ku jooga 470 qoys oo dalka degan, waxa kale oo ay Wasaaraddu og tahay dadka kale oo barakacayaal la yidhaahdo oo Dalka degen, waxaanu maanta ka hadlaynaa dadka maanta dalkan degen ee aan helin sifo Qoxoontinimo oo ay dalkan ku joogaan, qofka marka ugu horeysa ee uu dalka imanayo waxa looga baahan yahay dhawr waxyaabood oo ay ka mid yihiin inuu sharciyada dalka maro oo uu is diiwaangeliyo, ka dib marka uu intaa helo la eego waxa uu dalka ku yimid muxuu rabaa ma fiisuu dalka ku imanayaa ma qoxoontimuu codsaday, ka dib la eego arinkiisa oo loo gudbiyo cida ku shaqada leh, laakiin tobankii sano ee u dambeeyey badatay inaanay arimahaasi jirin oo ay joogsadeen, haddana marka ay Dawladdu aragtay Dhibaatooyinka ay dalka ku hayaan ee dhinacyada Caafimaadka, Dhaqaalaha iyo Nabadgelyada, waxa ay soo saartay go’aan odhanaya in dadka dalka sharci darrada ku jooga laga saaro”.

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka hadlayey waxa uu mutaysan doono qofka qariya cid aan sharci u haysan Qoxoontimo oo dalka iska jooga waxa uu yidhi “Waxa aanu idiin sheegaynaa cid kasta oo gacan siiyaa ama siyaabo ka baxsan Sharciga qofka u qariya inuu la kulmi doono qofka muddada loo qabtay dalka kaga bixi waayey ciqaabta uu mudan mid la mid ah, markaa dadweynaha waxaanu u sheegaynaa oo aanu la socodsiinaynaa in qofka oo muwaadin ah Dawladda gacan ku siiyo, gaar ahaan dadkani waxay u badan yihiin dadka guryaha ka shaqeeya iyo kuwa suuqa ka shaqeeya.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>