Hargeysa(ANN) Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa caawa magcaabay gudida diiwaangelinta Ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka oo ka kooban todoba xubnood. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay caawa qasriga madaxtooyada.Qoraalkaa oo uu ku sexeexnaa ayaa Af-hayeenka madaxtooyada ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu caawa xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0170/092011 ku magacaabay Guddida diiwaan-gelinta ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.
Madaxweynuhu :
:
Markuu Arkay: Qodobka 9aad iyo 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Arkay: Qodobka 3aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011,
Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in la magacaabo Guddida Diiwangelinta Ururada Siyasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee JSL.
Wuxuu go’aansaday
In uu magacaabo Guddiga Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee JSL, Guddidaas oo ka kooban 7 xubnood, oo ay kala ah:
1. Cabdalle Ibraahim Maxamed
2. Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale)
3. Xasan Axmed Ducaale (Macalin): Garyaqaan
4. Cumar Xasan Jaamac
5. Maxamed Cabdi Maalik
6. Aadan Geedi Qayadi
7. Ismaaciil Cabdilaahi Cali.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
