Muqdisho(ANN) Shir loogu yeedhay wada tashiga oo lagag  arrinsanayo xilliga dawladda ku meel gaadhaka ah ee Somalia iyo hey’addaheeda kala duwan  ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Waxaana ka qaybgalay Shirka wakiilo ka socda Qaramada Midoobay, dhinacyo ka mid ah

qeybaha siyaasadda Soomaaliya sida masuuliyiinta dawladda ku meelgaadhka ah, maamulka Puntland, Galmudug, xubno ka socda wadaada Ehlusuna wal jameeca  iyo ururada bulshada ee Somalia.
Raysal Wasaaraha Somalia Cabdi weli Maxamuud Cali oo ka hadlay ujeeda shirkaa ayaa sheegay  in lagaga hadlayo Afar bilood oo gundhig u ah sidii looga bixi lahaa waqtiga ku meelgaadhka ah, isagoo xusay in ahmiyada qodobada lagu soo qaadanayo ay ugu mihiimsan yihiin u heshiisiin, nabadgelyada, dawlad wanaaga,  dib  u heshiisiinta iyo dib u habaynta dastuurka.
Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Somalia Sh. Shraiif oo kahadlay isaguna shirkaa ayaa sheegay in waxyaabaha la doonayo in shirkaa lagu falanqeeyo ay ugu mihiimsan yihiin sidii Dastuurka dib loogu eegi lahaa, isagoo xusay in loo baahan yahay in la yareeyo tirada xubnaha baarlamaanka oo hada ah 550. Wuxuuna xusay in asbaabaha keenay in tirada baarlamaanka oo ka baddan ta dalka India ay duruufo keeneen. Laaakiin hada laga soo gudbay duruufahaa sidaa darteed loo baahanyahay in la yareeyo.
Wakiilaka Qaramada midoobay ee Somalia Augustine Mihingo  oo shirkaa ka hadlay in loo baahnayahay in lagu  qabto shirkaa waxyaabo baddan oo lagu qaban waayay sannado baddan. Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroolle oo shirkaa ka hadlay ayaa sheegay inuu aad uga naxay muuqaalka magaalada Muqdsiho ee dagaalada aafeeyeen.
Dhinaca kale shirkan oo ay qaramada Midoobay maal gelinay, isla markaana la rumaysan yahay in dhaqaalaha  ku baxaya lagu sheegayo maalyiin dollar  ayaa kusoo beegmay xili ay Somalia ka taagan tahay macaluul baahsan oo ku habsatay gebi ahaanba gobolada koonfurta Somalia, iyadoo malaayiin qof la il daran yihiin macaluul iyo xanuuno ka dilaacay oo halis ugu ah malaayiin qof oo haween iyo caruur ah.


Dawlada Iran yaa todobaadkan u dirtay Somalia shixnad caawimo isugu jirta dawooyin Raashin kala duwan iyo caawimo  kal duwan oo gaahdhay  5,000 tons. Waxayna dawladda Iran sheegtay inay kolayo maraakiib ah oo sida gargaarka Somalia ka bexeen dekeda ku taala Koonfurta dalkaa ee Bandar Abbas, taas oo loogu tala galay in la gaadhsiiyo dadka macaluusha iyo dhibaatadu haysato ee Soomaalida, iyadoo talaabadaa dawladda Iran qaaday kadib markii uu magaalada Muqdisho booqday bishii hore August 2011 wasiirka arrimaha debeda ee Iran  Ali Akbar Salehi.

Inkatsa oo mujtaca aduunku gurmad balaadhan u fidiyay  dadka soomaalida ee macaluusha iyo colaaduhu naafeeyen, hadana waxa muuqata in aanay weli waxba iska bedelin xaalada halkaa ka taagan. Qaramada Midoobay  ayaa  sheegtay todobaadkan in heerka macluusha iyo tirada dhimashada ay sii kordheyso Somalia
Sidoo kalena Hey’adda qaxootiga UNHCR  oo Qaramada Midoobay u qaabilsan Qoxootiga ayaa sheegtay inay heshay warar sheegaya in dagaalyahaniinta al-Shabaab oo maamula inta badan koonfurta Soomaaliya ay weli xayiraad ku hayaan dhaqdhaqaaqa dad badan oo ku sugan deegaanada ay gacanta ku hayaan, kuwaas oo aanay gaadhin wax caawimo ahi.
Waxayna Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan Qoxootiga oo loo soo gaabiyo  UNHCR  sheegtay ainay suurta gal tahay inay in ka badan 12 milyan oo qof ay abaaraha ka jira  gobolka geeska Afrika saameeyeen.
Si kastaba ha ahaatee shirka ka furmay magaalada Muqdisho  ayaa kusoo beegamay, iyadoo aanay xaalada macaluusha iyo dhibaatada aadaminimo ee ka jirta halkaa waxba iska bedelin, iyadoo ay jiraan astaamo muujinaya in aanay macaawimooyinka ka yimi mujtamaca aduunku gaadhin inta baddan dadkii loogu talo galay oo aanay xaalada waxba iska bedelin.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *