Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa dacawad  u gudbisay xukuumadda sare ee Ethopia, kadib markii   ay  af-duub kula kaceen  ciidamada Ethiopia ee loo yaqaan New Police  oo ka hawlgala Kililka Shanaad ee is maamulka Soomaalidu kula keceen shalay gaadhigii taliyaha sirdoonka

Somaliland iyo dadkii saarnaa oo ay ku jiraan dareewalkii taliyaha sirdoonka Somaliland Cabdi Maxamed Nuur iyo sarkaal ka tirsan ciidanka oo magaciisa lagu sheega Maxamed Xuseen.
Xukuumadda Somaliland ayaa ilaa hada wax war ah kasoo saarin dhacdadaa oo shalay ka dhacday wadada u dhaxaysa Wajaale iyo Jig-jiga, balse warar laga helay ila wareedyo kala duwan oo dhinaca xukuumadda Somaliland iyo saraakiil dhinaca sirdoonka ah ayaa shebekada Araweelonews u xaqiijayay inay Xukuumadda  Somaliland dacwad arrintaa la xidhiidha u gudbiyeen masuuliyiinta sare ee dawlada Federaalka, balse aanay ilaa hada wax jawaab ah ka helin.
Dhinaca kale warar kale ayaa sheegaya inay xukuumadda Somaliland arrintaa gudi wasiiro ah u saartay, kuwaas oo ujeedadoodu tahay inay xal u helaan khilaafka iyo xiisada ka dhalatay arrintaa, xubnaha gudida wasiirada ee arrintaa loo saaray ayaa wararku sheegayaan inay ka mid yihiin wasiirka Arrimaha debeda iyo Arrimaha gudaha, kuwaas oo dawladda Ethopia kala xaajoonaya dhacdadaa oo xiisad siyaasadeed ka abuuratay xidhiidhka labada dal oo ahaa mid is kaashi iyo wada dhaqayni u dhaxaysay. Wasiirka arrimaha debeda oo aanu dhawr goor isku daynay inaanu wax ka weydiino xaalada siyaasadeed iyo xiisada ka taagan dhacdadaa ayaanay noo suurta gelin. Kadib markii uu ka jawaabi waayay telefoonkiisa gacanta.
Lama garanayo sababta ilaa hada loo afduubay gaadhigaa Taliyaha iyo dadkii saarnaa oo wararka qaar sheegayaan inay ahaayeen ilaa shan qof oo marka laga reebo dareewalka iyo sarkaalkaa saddexda kale ahaayeen Nin ganacsade ah oo wakiil u ahaa shirakada loolanka ugu jirta inay keento Somaliland xadhiga Caybalka badda ee Dalcom iyo agaasimhii dalada SONYO, kuwaas oo xiliga la afduubay ku sii jeeday dhinaca Jig-jiga oo sida ay xogahaasi sheegeen kasoo qaadayeen dad imanayay, balse ay ciidanka New Police ee Ethiopia gaadiidkii wada joojiyeen kadibna u sheegeen inay gaadhigan rabeen oo ay sidaa ku kaxaysteen gaadhigii Taliyaha Sirdoonka Somaliland. Laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in la soo daayay  Agaasimaha Dalada SONYO. Siciid Maxamed Axmed (Ina Surwaale).
Dhinaca kale talaabada ay qaadeen Booliska Ethiopia ee lagu magcaabo New Police ayaa loo malaynayaa inay xidhiidh la leedahay. Kadib markii    ay ciidanka amaanka Somaliland ayaa todobaadkan xabsiga u taxaabay shan  nin oo ka tirsan sirdoonka Ethiopia, kuwaas oo ay sheegeen inay si sharci daro ah usoo galeen dalka, isla markaana laga qabtay magaalooyinka Hargeysa iyo Wajaale. Talaabadan ayaa xiisad ka abuuri karta labada dale e Somaliland iyo Ethiopia oo waxyaabo baddan oo dhinaca amaanka ah iska kaashan jiray, isla markaana  xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *