Burco(ANN)Hawlwadeenada Hanti dhawrka guud ee Qaranka  Somaliland oo muddooyinkii u dambeeyay  hawlo  baadhitaano  ah ka waday haya’daha dawlada, gobollada iyo degmooyinka dalka , ayaa maanta xabsiga u taxaabay shan sarkaal oo ka tirsan dawlada Hoose ee

magaalada Burco oo uu ka mid yahay ku xigeenka xisaabiyaha guud ee gobolka Togdheer. Ka dib markii lagu soo eedeeyay musuqmaasuq iyo inay lunsadeen hanta umadeed. Sidaana waxa xaqiijiyay saraakiil ka tirsan ciidanka Bilayska Somaliland.
saraakiisha laga xidhay dawlada Hoose ee burco waxay  kala yihiin
1. Axmed Aadan Yuusuf oo ah agaasimaha maamulka iyo lacagta ee dawlada hoose ee burco.
2. Faarax Xuseen Aadan oo ah agaasimaha waaxda caashuuraha ee burco
3. Axmed Maxamed C/laahi oo ah Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee dawlada hoose
4. Bashiir Cabdi Xasan oo ah saarkaalka Iibka iyo qandarasyaada ee dawlada hoose ee burco
5. ku xigeenka xisaabiyaha guud ee gobolka Togdheer Ismaaciil Maxamuud Diiriye.
Warku waxa uu intaasi ku darayaa in dhamaan eedaysanayaashaasi loo dhaadhiciyey xabsiga dhexe ee Burco , iyadoo uu xadhigooda ogolaatay maxkamadda gobolka Togdheer oo loo soo mariyay.
Ma aha markii u horaysay ee hanti dhawrku masuuliyiin ka tirsan dawlada hoose ee Burco xabsiga u taxaabo waxase jiray in dhawaan la xidhay Xoghayihii fulinta dawlada hoose iyo qasnajigii guud ee dawladda Hoose ee Burco sidoo kale saraakiil iyo masuuliyiin ilaa shan xubnood ah ayaa iyana xabsiga ay u taxaabeen tan iyo markii ay xukuumadada madaxweyne Siilaanyo xilka la wareegtay ee dabayaaqadii sannadkii hore, iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay maxkamad lasoo taagay gudoomiyihii xiligii maamulka Rayaale ee Wajaale, kaas oo lagu xukay xabsi saddex sannadood ah. Kadib markii lagu helay hanta uu lunsaday iyo musuq-maasuq. Sidaa uu sheegay garsoorihii xunka ku dhawaaqay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *